Madaxweynaha Puntland oo Daahfuray Biyo Dhaanka Wejiga 2-aad ee Gurmadka Abaaraha Gobolada

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 14 January 2017 si rasmi ah u daahfuray biyo dhaanka wejiga labaad ee gurmadka abaaraha gobolada Dawladda Puntland.

Daahfurka qaybta 2aad ee biyo dhaamiska gurmadka baaraha gobolada Dawladda Puntland waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey gudiga Abaaraha Puntland oo isugu jira Masuuliyiin ka tirsan Goloyaasha  Dawladda Puntland iyo xubno ka mida Haya’ada Biyaha, Tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah ee Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo si rasmi ah u dahfuray wejiga labaad ee biyo dhaanka loofidinayo dadka abaaruhu sameyeen ayaa sheegay gurmad kani in uu ka koobnaan doono 4,000 oo booyadood taas oo la gaarsiin doono dhamaan dad ka abaaruhu saameyeen ee ku dhaqan sagaalka gobol ee Dawladda Puntland.

Sido kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dawladda Puntland ay markasta dareensan tahay lana socoto xaalada abaareed ee dalka ka jirta islamar’ahantaana ay Dawladdu u heelantahay wax ka qabashada iyo la tacaalida dadka abaartu wax yeelaysay ee reer Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu cadeeyey in ay si isku mida wax ugu qaban doonaan dhammaan Umadda Soomaaliyed ee ku soo hayaantay Dhulka Dawladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale mahad balaadhan u jediyey Hay’adda  Biyaha, Tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah ee Dawladda Puntland (PSAWEN) oo markasta ku heelan u adeegida shacabka Puntland.

Dhinaca kale gudiga abaaraha Dawladda Puntland ayaa dhankooda ka warbixiyey xaalada abaareed ee dalka ka jirta waxaana ay sheegeen in guud ahaan dadka abaartu halakaysay ay u baahan yihiin wax kasta oo aasaas u ah nolosha dad iyo duunyaba oo ay ka mid yihiin Biyo, Cunto, hu’ iyo sidoo kale dib u dejin dadka abaarta ka soo galay magaalooyinka iyo tuulooyinka Puntland islamarkaana ay ka baxeen  xoolihii ay dhaqan jireen.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa illahay u weydiiyey Inuu ka dulqaado abaarta dabada dheeraatay ummada Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka reer Puntland , islamarkaana Madaxweynaha ayaa  Alleh ‘’SWC’’ uga beryey in uu ugu bedelo raxmadiisa.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELIN HIDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.  

HALKAN KA DHEGAYSO CODKA MADAXWEYNAHA.