Daawo:- Waayeel ku dayacan Puntland

PUNTLAND POST ayaa soo bandhigaysa xogta labo qof oo waayeel dumar ah oo ku dayacan deegaanka Geed-xagar oo ka tirsan Gobolka Bari ka dib safar shaqo oo ay halkaas u tageen maalmo ka hor wariyaal ka tirsan Warbaahinta PUNTLAND POST.

Aaamino Maxamed Yuusuf (Cade) iyo Khadro Cali Xuseen oo ah labo qof oo waayeel isdhalay ah  Islamarkaana labaduba curyaan aan cagaha ku istaagi karin, wuxuu muujinayaa muuqaal ay xogtooda kusoo gudbinayso PUNTLAND POST dayac iyo daryeel xumo lixaad leh oo ay nolosha ka sheeganayaan.

Labadaan qof ee dumarka ayaa haysan cid daryeesha iyo qof ka warqaba toona, waxaana indhahooda buuxiyay Ilmo xilli ay u waramayeen Wariyaasha PUNTLAND POST

Haddaba nala daawo murugo qalbiga dhaawacaysa.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST