Daawo: Khudbaddii Sanadlaha ahayd ee Madaxweyne Gaas Jeediyey

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli maxamed Cali Gaas ayaa caawa fiidkii 11 January 2017 jeediyey Khubad taarikhi ah oo uu kaga hadlayo wax qabadkii u qabsoomay xukuumadda uu hogaaminayo ee Dawladda Puntland, waxqabadkaas oo salka ku haya sanadkii u danbeeyey iyo guud ahaan mudadii ay xukuumaddu shaqaynaysay oo ku siman sadexdii sano ee lasoo dhaafay.

Halku dhiga sanadkan 2017 ee Madaxweynaha”Dawladda Puntland ayaa ah “KAB KAABAYAAASHA DHAQAALAHA AAN KABANEEH “  tasoo micneheedu yahay in guud ahaan masuuliyiinta Dawladda iyo shacabka Puntland ay kaalin weyn ka qaataan kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

Madaxweynaha ayaa  si faahfaahsan ugaga hadlay waxqabadkii u qabsoomay Dawladda Puntland iyo Shacabkeeda mudadii uu xilka hayey, waxaana uu madaxweynuhu si qoto dheer uga hadlay arimaha la xiriira amaanka isagoona sheegay in Dawladda Puntland iska difaacdey weeraro kala duwan oo ay arga-gixisada Daacisha iyo Al-shabaab isku dayeen inay si dhuumasho ah ku soo galaan dhulka Dawladda Puntland, balse ay ka howlgaleen ciidamada geesiyaasha ah ee Dawladda Puntland isla markaana ay afka ciida u dareen Daacish iyo Al-shabaab.

–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA,WACYIGELINTA, HIDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.