Wasiirka Haweenka Puntland oo shir muhiim ah uga qeybgalaysa dalka Urdun

Wasiir kuxigeenka Horumarinta Haweenka iyo Shaqaalaha Wasaaradda ayaa maanta kusii sagootiyay garoonka diyaaradaha magaalada Garowe Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowlada Puntland oo maalmaha soo socda uga qeyb gali doonta dalka Urdun shir looga hadlayo arrimaha horumarinta haweenka iyo qoyska.

Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Hay,adda UNDP waxaa ka qeyb gali doona wadamo fara-badan gaar ahaan kuwa soo koraya ee dunida,Iyadoona ay uga qeyb galayso Puntland markii ugu horeysay shir noociisa ah Soomaaliya.

Wasiir Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa qorshuhu yahay inay ka jeediso shirkaan khudbad dhinacyo badan taabanaysa Iyadoona sharaxi doonta waxay Soomaaliya ka baratay beesha caalamku iyo Baahiyaha la xiriira horumarinta haweenka iyo caruurta oo ay u baahan tahay Soomaaliya in laga taageero.

Sidoo kale Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowlada Puntland ayaa inta uu socdo shirkaan lagu weydiin doonaa horumarka ay ka gaareen haweenka Soomaaliya dhinacyada kala ah Dhaqaalaha, Siyaasada, Waxbarashada iyo Ka hortaga tacadiyadda ka dhanka ah Haweenka iyo Caruurta.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST