Huwanta Isbedel doonka oo guulo ka gaarey Doorashadii Baarlamanka

Murashaxiinta u tartamaysa xilka Madaxweynaha ayaa intooda badan waxay ku midoobeen huwan ay ugu babac dhigayaan Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raysal wasaare Cumar Cabdirashiid oo labaduba ka mid ah raga u ordaya qabashada kursiga Villa Soomaaliya.

Awoodda isbahaysiga Musharaxiinta ayaa si dhab ah usoo muuqatay ka dib doorashadii Gudoonka Baarlamanka Soomaaliya oo ay kusoo baxeen Gudoomiyaha iyo Kuxigeenadiisa xubno garab dhaw la ah Isbahaysiga Musharaxiinta, Halka looga adkaaday doorashada Gudoonka Baarlamanka raggii uu daba-da ka riixayay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo kala ahaa Faarax Cabdulqaadir iyo Cabdirashiid Maxamed Xidig.

Dhanka kale waxaa iyana natiijo aan saameyn lahayn kala kulmay doorashada Gudoonka Baarlamanka xubno ay taageerayeen Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo Musharax Maxamed Cabdulaahi Farmaajo  oo labaduba banaanka ka jooga isbahaysiga musharaxiinta ee u midoobay loolanka siyaasadeed ee ka socda Muqdisho.

PUNTLAND POST oo xogo lagu kalsoon yahay ka helaysa qaar ka mid ah huwanta musharaxiinta ujeedada 1aad oo ay u mideysan yihiin waxay salka ku haysaa sidii cudud iyo maal-ba meesha ay uga saari lahaayeen Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raysal wasaare Cumar Cabdirashiid, Islamarkaana looga miro dhalin lahaa isbedel ka dhaca dalka.

Waxaana ka mid ah Musharaxiinta ku midoobay HUWANTA guulaha ka gaarey doorashadii gudoonka Baarlamanka Soomaaliya.

  1. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed
  2. Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole
  3. Raysalwasaare hore Cabdiweli Shiikh Axmed (Yuulka)
  4. Raysal wasaarihii horre Cali Maxamed Geedi
  5. Musharax Cabdulqaadir Cosoble
  6. Musharax Cabdiraxmaan Baadiyow
  7. Musharax Maxamed Cali Ameeriko
  8. Musharax Cali Xaaji Warsame
  9. Musharax Maxamud Axmed Nuur Tarsan
  10. Musharax Abshir Xasan Abshir
  11. Gudoomiyaha barlamaanka ee shalay dib loo doortay Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari
  12. iyo kuwo kale.

PUNTLAND POST ayaa warar lagu kalsoon yahay ku helaysa inuu hogaaminayo HUWANTA Musharaxiinta Madaxweynihii horre ee Dowlada Federalka Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed  oo wararku sheegayaan in xiriir aan xogo badan laga hayn uu ka dhaxeeyo Raysal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

                    Madaxweyne Xasan Shiikh

Ka sokow guusha ay ka gaareen Huwanta Musharaxiintu Doorashadii Gudoonka Baarlamanka, Waxaa dhinaca kale u harsan hawl culus oo ku aadan sidii ay natiijo wanaagsan uga keeni lahaayeen Doorashada Madaxweynaha oo maalmaha soo socda qabsoomi doonta.

Dhinaca kale Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa la rumaysan yahay inuu haysto ilaa iyo hadda qiyaastii codad gaaraya 100 Xildhibaan, kuwaas oo 97 cod oo ka mid ah baarlamanka ay ka heleen Cabdirashiid Maxamed Xidig iyo Faarax Cabdulqaadir , Waxayna u badan tahay natiijada uu la imaan doono tartanka doorashada Xasan Shiikh inaysan halkaas dhaafi doonin , Walow ay u furan tahay inuu la yimaado qorshayaal kale oo uu isaga caabin karo loolanka adag ee kasoo wajahay Huwanta Musharaxiinta u midoobay sidey ugala wareegi lahaayeen Xafiiska.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST