Garowe:- Wariye dhiirigalinaya Hiigsiga Himilada Gabadh-yar

Wariye Mukhtaar Suudaani oo ka mid ah suxufiyiinta ka hawlgasha deegaanada Puntland ayaa soo gaba-gabeeyay diyaarinta barnaamij/documentary ku qaatay muddo saddex sano ah , Kaas oo lagu dhiiri galinayo Gabadh-yar oo magaceeda la yiraahdo Aniso Cabdicasiis Xasan oo ah 16 sano ku jir ku dhalatay Garowe, Kuna barbaartay magaalada Qardho.

Aniso Cabdicasiis ayaa doooneysa sidey ka dhawaajisay mustaqbalka inay bedesho haweeneydii ugu horeysay oo Soomaaliya ka noqotay wade diyaaradeed/duuliye diyaaradeed Asli Xasan Cabaade (Calan-side) waxayna Aniso leedahay qorshe ay ku doonayso hamigeeda iyo himiladeeda inay uga miro dhaliso mustaqbalka Haddii uu alle idmo.

Wariye Mukhtaar Suudaani ayaa ugu magacdaray Barnaamijkan oo ah mid xiiso gaar ah leh “DA’DAAL GAARI DOONTIDE, waana mid ay ka muuqato qaabka diyaarintiisa xirfad iyo aruurinta macluumaad muddo dheer qaatay.

Haddaba Daawo barnaamijka/Documentariga.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST