Dowland Trump: “wax Sir ah igama hayaan Ruushka”

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka ayaa laamaha sirdoonka ku eedeeyay dusinta eed ah in Ruushka ay asiga waxyaabo kala hadleen.
“Taasi waxay ahayd midii Naasigii Jarmalka uu sameeyay,” ayuu yiri.

Wuxuu ka hadlayay eedo aan weli la cadeyn oo ah in kooxdiisa doorashada u qaabilsaneyd Ruushka uu ku dhexdhuuntay.
Waa kuma
Trump oo jeediyay hadal muran abuuray
Eeda waxaa kaloo ay ku saabsan tahay in la haayo muuqaallo fadeexad ah oo ku saabsan noloshiisa gaarka ah.
Laamaha sirta ee Mareykanka ayaa arrintaasi u qaatay si dhab ah, waxayna isbuucii tagay ku wargeliyeen Trump iyo madaxweynaha xilka baneynaaya ee Obama.

Donald Trump ayaa sidoo kale xilligaas sheegay inuu markii ugu horeysay aqbalay in Ruushka uu u dhacay qalabka doorashada Mareykanka, arrintaasna ay dhacday xilligii ololaha doorashada.

Sidoo kale shirkaasi jaraa’id ee ugu horeeyay Trump, wuxuu ku xaqiijiyay in ganacsigiisa uu ku wareejinayo labadiisa wiil.
Shirka jaraa’id waxaa loo qabtay in Trump uu kaga hadlo ganacsigiisa, balse waxaa hareeyay fadeexadda laga faafiyay.

Trump ayaa sheegay in macluumaadka “ay ahayd inaanan weligood la qorin ama aan weligood la shaacin”.
“Waa war been ah, waa waxba kama jiraan, ma aysan dhicin,” ayuu yiri, wuxuuna intaa ku daray, “dad xanuunsan ayaa waxaasi dhoodhoobay. waa ceeb iska cad”.

Asigoo ka jawaabayay, afhayeenka Aqalka Cad, Josh Earnest, wuxuu sheegay “Waa marin habaabinta qofkastaa, oo heer kastaa ah, in su’aal la geliyo daacadnimada iyo ujeedooyiinka geesiyada ka mid ka ah laamaha sirdoonka dalka”.
Mexico iyo Trump oo isku haysta qarashka derbiga
Donald Trump oo ammaanay Madaxweyne Putin
Trump ayaa sidoo kale weeraray warbaahin sida CNN oo uu ku tilmaamay “meel qashin” wuxuuna ku eedeeyay “inay warar ay iska sameysanayaan”.

Wuxuu diiday inuu su’aal ka dhageysto weriyaha CNN ee ku sugnaa shirka jaraa’id. Balse CNN waxay difaacday daabacaada wararka eeda ee Trump ku saabsanaa.

ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in CIA ay cadeymaha u tixraacday sida kuwa “sax ah”. Ujeedada laga lahaa ayaa ah in Trump laga weeciyo musharraxnimadiisa, sida wararka ay sheegayaan.

Britain oo heshiiska ugu horeeya la galeysa Trump.
Trump oo magacaabay xoghayihiisa arrimaha dibadda.

Arrimo aan sax ahayn oo ka mid ahaa macluumaadka ayaa xilligaasi la ogaaday.
Sikastaba, dadka horey ugu shaqeeyay sirdoonka Britain, laamaha sirta ee Mareykanka waxay u arkaan dad lagu kalsoonaan karo.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST