Doorashada Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka oo goordhow bilaabaneeysa

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa goordhow waxaa ka bilaabaneeyso doorashada Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya.

Xilkaan ayaa waxaa u taagan ilaa 6 mudane oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya kuwaasi oo daneeynaya in ay ku guuleeystaan Xilka Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Mudanayaasha Tartamaya ayaa waxa ay kala yihiin:-

1.Jeylaani Nuur Iikar.
2.C/weli Sheekh Ibraahim Muudey.
3.Faarax Sheekh C/qaadir.
4.Khaalid Macow C/qaadir
5.Saciid Xuseen Ciid.
6.Khadiija Maxamed Diiriye.

Dadka Wax Saadaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in Midkood la dooranayo Jeylaani Nuur Iikar oo kal hore xilkaan u soo qabtay iyo Xildhibaan Faarax sheekh Cabduqaadir Midkood.

Amaanka Guud ee Magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana Goob Waliba lagu arkayaa ciidmo katirsan kuwo dowlada Soomaaliya oo xiray wadooyinka Muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho