Doorashada Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka oo bilaabatay (Saadaalin yaa ku guuleysan karo) ?

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ka socdo Doorashada Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka waxaana ku dhinac socdo Gudoomiye ku xigeenka Labaad.

Waxaa hadda socota codeeynta iyada oo ay Xildhibaanada Baarlamaanka ay u codeynayaan shaqsiga ay u Dooranayaan Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka.

Doorashadan oo ah mid Xasaasi ayaa dadka falanqeeya Siyaasada waxa ay saadaalinayaan in mid kamid ah Faarax Sheekh Cabdiaadir iyo Jeylaani uu noqon doono Gudoomiye ku xigeenka ee Baarlamaanka.

Xildhibaano iyo siyaasiin si dhow u la socdo Siyaasada ayaa waxa ay qabaan in Doorashadaan uu ku soo bixi karo Xildh. Faarax Sheekh Cabdiqaadir oo ay si dhow isugu dhowyihiin Xasan Sheekh Maxamuud.

Shalay waxaa ku soo baxay Doorashada Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo markale loo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Saacadaha soo socdo waxaa kala cadaan doonto cida noqoneyso Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho