Cali Xaaji Warsame oo ka hadlay Doorashadii Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya

Shalay oo taariikhdu ahayd 11/01/2016, markii ay soo gaba-gabowday Tartankii doorashada Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya ee ka socday Aqalka Baarlamaanka isla markaasna uu ku guulaystay Mudane Maxamed Sheekh Cismaan jawaari jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa waxuu musharaxa madaxweynaha Dr Cali Xaaji Warsame isagoo ku sugan magaalada Nairobi ee wadanka kenya uu ku qabtay hoygiisa  shir jaraaid oo ay kasoo qayb galeen warfidiyeeno aad u badan,

 

Ugu horayn Musharaxu wuxuu soo dhaweeyay natiijada Doorashada iyo Gudoomiyaha cusub ee la doortay  iyo sida amniga ay u sugeen ciidamada dawladda, musharaxu wuxuu si faahfaahsan uga hadlay xaaladda dhabta ah ee ka jirta gayiga soomaaliya, gaar ahaan abaaraha baahsan ee ka jira wadankeena isagoo soo jeediyey in la taageero dadkaas, sidoo kale musharaxu wuxuu ka hadlay siyaasadda xumida iyo dib u dhaca ku yimid wadankeena, ugu dambayn  Mushax Dr Cali Xaaji Warsame intii uu ku guda jiray shirka jaraaid waxuu usoo gudbiyey fariin culus oo kula dardaarmay gudoomiyaha cusub qodobadaan hoose;

1- In uu ilaaliyo Madaxbanaanida Baarlamaanka oo shaqada baarlamaanka

2- In uu ilaaliyo Sareeynta Sharciga iyo dastuurka dalka.

3- in uu baarlamaanku noqdaa mid ka madax banaan Villa soomaaliya.

Faafinta Puntland Post