“XOG” Sababta uu shalay isu casilay Wasiir ka tirsan Puntland

Shalay 10 January 2017 ayay ahayd markii uu iscasilay Wasiir kuxigeenkii Hawlaha guud iyo Gadiidka Dowlada Puntland Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax (Dujaana) ka dib markii uu ku saleeyay go,aankiisa iscasilaada inuu ka dambeeyay cadaadis uga yimid beeshiisa oo ah beesha Reer Maxamuud (Majeerteen).

PUNTLAND POST oo xogo dheeri ah ka helaysa Iscasilaada Cabdiraxmaan Dujaana ayaa ka dambeysay ka dib markii uu maalmo ka hor Muqdisho uga soo laabtay amar kasoo gaaray Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) Xilli uu ka mid ahaa Dujaana xulufo u qaabilsan ololaha doorashada Soomaaliya Musharax Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa xaqiijinaya inuu qeyb ka ahaa Wasiir kuxigeenkii Hawlaha guud iyo Gadiidka Puntland oo shalay iscasilay xubno mudooyinkii u dambeeyey Muqdisho u joogay taageerada Shiikh Shariif Axmed .

Cabdiraxmaan Dujaana ayaa darawal khaas ah u usoo noqday Shiikh Shariif Shiikh Axmed xilligii uu Gudoomiyaha ka ahaa Gollihii Fulinta ee Midowgii Maxaakiimta Islaamiga,wuxuuna dhawrkii todobaad ee lasoo dhaafay xubin ka noqday guddi gaar ah oo ololaha doorashada u qaabilsan Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo hadda ka mid ah musharaxiinta u tartamaysa Villa Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Dujaana

Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) oo la gaarsiiyay warbixin sheegaysa inuu ka mid yahay Guddiga Ololaha doorashada Shiikh Shariif  Shiikh Axmed xubin ka tirsan Gollaha Xukuumada Puntland ayaa wararku sheegayaan inuu ku amray Cabdiraxmaan Dujaana sidii uu deg deg Muqdisho uga soo ruqaansan lahaa .

Inkastoo Wasiir Cabdiraxmaan Dujaana uu ku sheegay shaqo ka tagistiisa cadaadis uga yimid beeshiisa, Misana wararka aanu helayno waxay sheegayaan inay ka dambeysay ka dib markii uu u war helay inuu safka hore uga jiro xubanaha ay saameyn doonto Isku_shaandheyn la filayo Madaxweyne Gaas inuu ku sameeyo Gollihiisa Wasiirada.

INFORMATION DESK
PUNTLAND POST