WARBIXIN:- Booqashadii madaxweyne Gaas ee fariisimaha ciidamada iyo xarumaha Dawlada Qandala

Madaxweynaha Dawladda puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeeray ciidamada Dawladda Puntland ee howlgallada ka fuliyey degmada Qandala islamarkaana gacanta ku dhigay degmadaasi,  sidookale Madaxweynaha ayaa intii uu joogay degmada Qandala wuxuu booqday goroonka diyaaradaha ee magaaladaasi iyo sidoo kale khooriga bada ee degmada Qandala.

Madaxweynaha waxaa kurmeerka ku wehelinayey maamulka Gobolka Bari, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawlada Puntland, saraakiisha ciidamada Puntland iyo masuuliyiin ka mida Madaxtooyada Dawladda puntland.

Ugu horayn madaxweynaha Dawladda puntland Dr. Cabdiweli Maxamed cali Gaas ayaa salaan ka qaatay ciidanka difaaca xeebalayda Qandala, salaam kadib waxa uu madaxweynuhu ciidamada ku amaanay sida dhiiran ee ay ugu heelan yihiin inay dalkooda ka difaacaan cadawga, isla markaana waxa uu si gaara ugu hambal yeeyey guushii balaarnayd ee ay ka gaareen argagixisada daacish ee ku dhuumalaysanaysey mudada kooban degmada taariikhiga ah ee  Qadanla.

Madaxweynaha Dawladda puntland waxa uu sidoo kale ciidamada ku booriyey inaysan ka daalin difaacida dalkooda hooyo, isla mar ahaantaana ay dardar geliyaan dedaalka dheeriga ah ee ay ugu jiraan inay ka difaacdaan cadawga dhulkooda ku soo duulaya.

Dhinaca kale madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxa uu kormeeray garoonka diyaaradaha ee magaalada Qandala oo ay ugu danbaysey goor  la isticmaalo xiligii Dawladda dhexe ee Soomaaliya, geesta kale madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa kormeeray khooriga qandala oo isna aan saa uga fogeyn magaalada.

Kormeerka ka dib madaxweynaha Dawladda puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo lahadlay warfidiyeenada ayaa sheegay in magaalada Qandala ay tahay maagalo ganacsi islamarkaana ah ay ku duugan tahay taarikh badan oo ay Soomaaliya leedahay, sidoo kale madaxweynaha ayaa ka warbixiyey dhibaatada ay gaarsiiyeen cadawgu Degmada waxaana uu tilmaamay inay burbur hantiyeed u geysteen xarumihii hayadaha Dawladda islamarkaana ay bililiqaysteen hanti badan oo ay leeyihiin shacabka degan magaalada Qandala.

‘’waxaanu taaganahay xeebta magaalada qandala ee aadka u quruxda badan, qiimaha badan, barwaaqada ah, magaaladani waa magaladii cadawga laga xoreeyey waxbadan oo dhibana waa ay ka geysteen, haayadihii dawliga ahaa wixii yiiley waa qateen waxna waa jejebiyeen, dadkii shacabka ahaa guryohoodii bay bililiqaysteen taas bedelkeednaa waxa ay ka heleen ciidamadeena geesiyaasha ah , waxaan aad ugu mahad naqayaa dadka reer Qandala sida wanaagsan ay noosoo dhoweeyeen sida ay u garab istageen ciidamada difaaaca Puntland, ciidamada Dawladda Puntland dhamaantood waan bogaadinaya waana u mahad naqayaa’’ ayuu yiri Madaxweynaha Dawlada puntland

Saraakiisha ciidamada hawlgalada ka fulinaya Degmada Qandala iyo degaamada hoos yimaada ayaa dhankooda  soo bandhigay saanad milateri oo ay ka qabsadeen argagixisada Daacish.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku booriyey shacabka degmada taarikhiga ah ee Qandala inay ka shaqeeyaan horumarka degmada isla markaan ay garab istagaan ciidamada sugaya amnigooda.

–DHAMMAAD—

 XAFIISKA WARFAAFINTA HIDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTALAND.

DHEGAYSO CODKA MADAXWEYNAHA.