Wadooyinka muhiim ka ah ee Muqdisho oo xiran

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa saakay waxaa xiran isku socdoka gaadiidka iyo dadka wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamo katirsan kuwa dowlada Soomaaliya ayaa xiray wadooyinkaasi kuwaasi oo wata gaadiidkooda dagaalka.

Wadooyinka xiran waxaa kamid ah Wadada Makka-Al-Mukarama , Wadnaha, 30-ka ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo gaadiidka laga joojiyay hayeeshee dad teel teel ah ay marayaan.

Saameeyn balaaran ayeey dadku Muqdisho ku yeelatay xirnaanshiyaha saaka wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho.

Saameeynta ugu balaaran ayaa waxa ay ku yeelatay Ardayda, Shaqaalaha, iyo Ganacsatada kuwaasi oo awoodi kari waayay in ay gaaraan Goobahooda halka kuwo kalena ay saakay lugeeynayeen.

Xirnaashiyahaan wadooyinka Muqdisho ayaa la xariirta Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Muqdisho ka socoto.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho