Musharax Abshir Xasan oo hambalyo u direy Prof JAWAARI

Musharax Abshir Xasan Abshir oo u tartami doona Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyay guusha uu ka gaarey doorashadii maanta ka qabsoontay Muqdisho Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan (JAWAARI).

“Doorashada maanta dhacday waxay tusaale u tahay Horumarka uu dalku gaaray, Waxaana si isku mid ah ugu hambalyeynayaa musharaxiintii tartantay, si gaar ah waxaan u hambalyeynayaa Prof Jawaari oo aan ku aqaano karti, hufnaan iyo Soomaali jaceylnimo” Ayuu yiri Musharax Abshir

Abshir Xasan Abshir ayaa intaas ku daray ” Soomaaliya rajo badan baa u muuqanaysa, Inta harteyna wanaag iyo guul baan rajeynayaa inay noogu dhamaan doonto ” Ayuu yiri mar kale Abshir Xasan oo ka mid ah musharaxiinta u ordeysa tartanka Madaxweynaha Soomaaliya.

Isku soo wada duuboo Musharax Abshir Xasan Abshir ayaa noqonaya musharaxii 1aad oo hambalyo u dira guusha uu maanta ka gaarey doorashadii aqalka hoose Prof Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari.

Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST