Madaxweynaha Puntland oo ka qayb galay Xaflad lagu soo bandhigayey Waxqabadka Ciidanka Asluubta sanadkii 2016

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa maanta 11 January 2017 ka qayb galay xaflad lagu soo bandhigayey waxqabadka ciidanka asluubta Puntland ee sanadkii 2016.

Bandhiga waxqabadka ciidanka Asluubta puntland ee 2016 waxaa madaxweynaha kala qayb galay wasiirka wasaarada cadaalada diinta iyo awqaafta ee Dawladda puntland, maamulka gobolka bari iyo kan degmada  Boosaaso, saraakiisha ciidamada kala duwan ee  Puntland iyo masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Dawladda puntland.

Madaxweynaha Dawladda puntland ayaa ugu horayn soo kormeeray xabsiga weyn ee Magaalada Boosaaso kasoo ay ku sugnayeen saraakiisha cidanka kasluubta puntland, waxaana ay ku soo bandhigeen qaybo ka mida waxqabad koodii sanad kii tegey ee 2016. Islamarkaana ay waxbadan ka bedeshey tayada aqooneed ee maxaabiista ku xidhan xabsiyada Dawladda puntland.

Madaxweynaha Dawladda puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeerka kadib sheegay inuu aad ugu bogaadinayo waxqabadka lataaban karo ee ay soo bandhigeen, isla mar ahaantaana ay ku tayeynayaan ciidanka asluubta iyo sidoo kale maxaabiiska ku jira xabsiyada Dawladda puntland.

‘’ ciidamada Asluubta runtii waa ciidamo hogaan fiicana helay wax qabad dhabana muujiyey aad baan u bogaadinaynaa dhamaantood, sidoo kale waxaan aad iyana ugu mahad naqaynaa hawl wadeenada wasaarada cadaalada Dawladda puntland oo iyana gacan weyn ka geystey sidii ay u qabsoomi layhayd wax qabadkan qiimaha leh ee ay maanta soo bandhigeen cidamadu, guul baan idiin rajaynaynaa dhamaantiin  sanadkan sanadkiisa kale insha allah waxaan alleh idiin waydiinaynaah inuu idin ku gaarsiiyo horumar kan ka sareeya’’ ayuu yiri madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Sidoo kale taliyaha ciidanka Asluubta Puntland ayaa sheegay inay aad ugu amaanayaan wadashaqaynta wanaagsan ay la leeyihiin madaxda sare ee Dawladda puntland iyo sidoo kale masuuliyiinta wasaarada cadaalada diinta iyo awqaafta ee Dawladda puntland.

Wasiirka wasaarada cadaalada diinta iyo awqaafta ee Dawladda puntland ayaa isna dhankiisa sheegay in ciidamada Asluubta Dawladda puntland ay mudan yihiin ku dayasho madaama ay waxqabad lataaban karo ku celinayaan dalkooda iyo dadkooda isla markaana ay tayaynayaa tayada ciidamada Asluubta iyo sidoo kale tan maxaabiista.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa gudoon siyey shahaado sharaf xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso taasoo ay ku mutaysteen waxqabad ka lataaban karo ee ay soo bandhigeen sanadkii tegey ee 2016-ka, waxaana uu madaxweynuhu ku booriyey ciidamada Asluubta Dawladda Puntland inay dedaalka iyo waxqabadka tayadaleh ee ay ku hawlan yiihin sii tayeeyaan kulana baratamaan xirfadleyda kale ee ay isku shaqada yihiin.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA HIDAHA IYO DHAQNKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.