JAWAARI oo ku guulaystay Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya

Waxaa soo gaba-gabowday doorashada Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya, Waxaana ku guulaystay Xildhibaan Maxamed Shiikh Cismaan (Jawaari) oo helay codadka ugu badan ee Xildhibaanada cusub Aqalka hoose ee Gollaha shacabka Soomaaliya sida uu shaaciyay Gudoomiyaha KMG ee baarlamanka Cismaan Cilmi Boqore.

CODADKA MUSHARAXIINTU kala heleen.

  1. Pror Max’ed Cismaan Jawaari (141 cod)
  2. C/rashiid Max’ed Xidig       (97 cod)
  3. C/fitaax Ibraahim Geeseey (17 cod)
  4. Idir Aadan Dhakhtar           (2 cod)

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari wuxuu dhashay 1945, wuxuuna ku dhashay degmada Afgooye, Shahaadada 2aad ayuu ka heysaa Qaynuunka, Wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka ayuu ahaa(1984-1990).

Wuxuu xubin ka noqdey dhowr guddi oo dastuurka ah sida guddiga diyaariyay dastuur KMG ah 1990-kii, Lataliyaha UNDP ee dastuurka hadda dalka lagu maamulo iyo markii dambe guddoomiyaha guddiga khubaradaha ah ee dib-u-eegista dastuurka ilaa 2012-kii oo loo doortey guddoomiyaha baarlamaanka federaalka ah,wuxuuna jawaari ku hadlaa 5 luqadood.


Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST