Guusha JAWAARI oo fool-xumo ku ah rajada Xasan Sheekh.

Waxaa mar kale ku guulaystey inuu hogaamiyo 4 sano ee soo socota Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cismaan JAWAARI Ka dib markii Mudanayaasha Aqalka hoose cod aqlabiyad leh ugu doorteen Gudoomiye, Halka guuldaro ay ka raacday qabashada kursigaas musharaxii Jawaari kula tartamayay oo ahaa Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo sida warar hoose sheegayaan xulufo dhaw la ahaa Madaxweynaha musharaxa ah ee Xasan Shiikh Maxamuud.

Inta badan dadka sida dhaw ula socda Arrimaha Doorashada Madaxtinimada dalka Soomaaliya ayaa ku fasiraya guusha maanta uu ka gaarey doorashadii aqalka hoose Prof JAWAARI inay sawir ka bixinayso suurtagalnimada guuldaro kasoo wajihi doonta Xasan Sheekh Maxamuud in loo doorto Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya.

Arrimaha ugu waaweyn oo durba loo saadaainayo guuldaro soo wajahi doonta Xasan Shiikh Maxamuud ayaa qeyb ka ah is xulufeysiga iyo taageerada garabka Madaxweyne Xasan Shiikh ay la daba-taagnaayeen todobaadyadii u dambeeyay Musharaxii laga guulaystay Cabdirashiid Maxamed Xidig oo maanta afka ciida loo daray.

Garabka Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa indhawaale olole xoogleh ugu jiray sidii aanu mar kale Gudoomiyaha Baarlamanka uusan ugu soo noqon lahayn Prof JAWAARI , waxayna uga digo rogteen taageerida Xildhibaan Cabdirashiid Xidig.

Ololaha Cumar Abdirashiid.

Raysal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali (Sharmaake) oo ka mid ah musharaxiinta tunka waaweyn ee ku hardamaya kursiga Villa Soomaaliya ayaa warar lagu kalsoon yahay sheegayaan inuu taageero siinayay mid ka mid ah musharaxiintii kale ee kasoo jeeday Gobolada Bay iyo Bakool, Walow dhinaca kalena uu si hoose lug ugula jiray taageerada Prof Jawaari .

Waxayna ku fasirayaan dadka u dhuun- daloola doorashada guusha Jawaari inay ka sahlan tahay rajada Cumar Cabdirashiid marka loo eego sidey nabarka ugu tahay rajada Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Fursada kale ee DAM-JADIID

Dhinaca kale fursadaha oo laga fiirin karo rajadooda Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Xulufadiisu doorashada Villa Soomaaliya waxaa ka mid ah tartanka ay u balansan yihiin 6 musharax maalinta beri ah gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamanka Soomaaliya, madaama uu mid ka mid ah yahay musharaxiinta ku tartamaysa kursigaas Faarax Cabdulqaadir oo ah Saaxiibka dhaw ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST