Wasiir Ka tirsan Puntland oo is Casilay

Waxaa goordhow is casilay Wasiir ku Xigeenka Howlaha Guud iyo Gaadiidka Puntland Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax (Dujaana).

Wasiirka oo goordhow Wariyaasha kula hadlay Magaalada Garowe ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay Xilkii uu u hayay Puntland.

Mar Wariyaasha ay wax ka wadiyeen arintaasi ayuu ku sheegay in ay tahay Cadaadis kaga yimid Beeshiisa sida uu sheegay taasi oo la xariirta Aqalka sare ee dalka.

Wasiirka ayaa shacabka Puntland ugu baaqay in ay midnimada ka shaqeeyaan .

Fah Faahin intaa ka badan Kala soco PUNTLAND POST.

PUNTLAND POST