Shacabka Garowe oo ka banaan baxay kor ukaca lacagta iyo maciishada

Waxaa maanta magaalada Garowe lagu qabtay banaan-bax balaaran oo looga soo horjeedo isbadelka ku yimi lacagta shillin Soomaaliga taasoo Todobaadyadii ugu dambaysay suuqyada Puntland laga dareemayay kor u kaca lacagta iyo maciishada.

Shacab badan oo aad uga caraysan sicir bararka iyo lacagta qalaad ayaa iskugu soo baxay fagaaraha ay caanka ku tahay magaalada Garowe waxayna ku dhawaaqayeen ereyo ay uga soo horjeedaan lacag cusub oo lagu isticmaalayay suuqayada Puntland.

Dadwaynaha ayaa saxmad iyo buuq ka dhaliyay bartamaha caasumada waxayana aad u dhaliilayeen madaxda Puntland maadaama ay wax ka qabanwaayeen isbadelka ku dhacay lacagta dalka,sidoo kalena dadwaynaha ayaa sheegay inay ku adkaatay nolol maal moodkoodii kadib markii ay maciishadu qaaliyowday.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Nugaal Qaasim Maxamed Cabdi oo shacabka kala soo qayb galay banaan-baxooda ayaa dad-waynaha u sheegay inay la socdaan isbadalka ku dhacay lacagta,balse dowlada ay qorshaynayso sidii wax looga qaban lahaa sidoo kalena waxuu sheegay inay shacabku xaq u leeyihiin inay muujiyaan dareenkooda.

Mudane ka tirsan Baarlamanka Puntland ayaa dhankiisa sheegay inuu ku taageersan yahay dibad-bax ay shacabku sameeyeen,balse loo baahan in banaan-baxan loo maro so waafaqsan sharciga iyo dastuurka Puntland,waxuuna usoo jeediyay inaysan ku kacin jidgooyooyin iyo dhibaatooyin ay dhexdooda isku gaystaan.

Halka dollar ayaa magaalada Garowe lagu badalayay lacag gaaraysa 29.000 oo shillin Somali ah,iyadoo Boqolka dollar lagu sarifayay 2900,000 oo shilin Somali ah, halka markii hore halka dollar lagu bixinayay 22,000 oo lacaga Somaliga ah.waana sababta keentay inay banaan baxaan dadka ku nool Caasumada Puntland.

PUNTLANDPOST.COM
Maxamed Cabdicasiis Dhuubka