PUNTLAND OO HUB KU SOO BANDHIGTAY DEGMADA QANDALA EE GOBALKA BARI,

QANDALA [PUNTLAND POS]Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Booqasho Ku Tagay Degmada Qanadal ee Gobalka Bari waxan socdaalka madaxweyne Gaas ku wehelinayey xubno ka tirasan Golaha wasiirad Puntland iyo taliyayaal ciidan.
Waxeyna Maalintii Labaad halkaasi Kulmo kula yeesheen Waxgaradka iyo Saraakiisha Ciidamada Puntland ee Halkaasi Kadin ab sa shadii Qanadala ee Daacish.

 

Madaxweynaha ayaa Kormeeray Qaar kamid ah Xarumaha Dowladda ee ku yaala halkaasi, Sida Goobaha adeega Bulshada, ee Caafimadka, waxbarashada, iyo Ceel-biyoodka, Magaaladaasi.

 

Sidoo kale wuxuu Tagay Garoonka Diyaaradah ee Magaaladda Qandala oo aan hadda aan Shaqeyn, iyo Gacanka Carbeed.

Dhinaca kale Madaxweyanaha ayaa saaka Ka qeybgalay Kulan lagu soo bandhigayay Hub Ciidamada Puntland ay sheegeen iney ka qabsadeen Kooxda Daacish, Waxaana ay u badnaayeen Rasaasta Qoryaha Waaweyn ee Loo isticmaalo gadiidka.
dagaalka.

Wuxuuna Madaxweynuhu Sheegay in dib u qabsashadii magaaladaasi ee ciidamada Puntland ay aheyd Guul u soo hoyatay Shacabka Puntland, sida uu ku sheegay shir jara’id oo uu warbaahinta u qabtay Kormeerkiisa kadib.

Ugu danbeyna madaxweynaha Puntland ayaa caawa dib ugu soo laabtay Magaalada Bosaso, Kadib socdaal Dheer oo Dhinaca Badda ah oo uu oga soo Amba Baxay Qandala.

CABDIQANI BOOS 

PUNTLAND POST ,XAFIISKA BOOSASO