Nin asalkiisu Soomaali yahay oo loo magacaabay Wasiirka socdaalka iyo qaxootiga Dalka Canada

Axmed Xusseen oo loo magacaabay wasiirka Socdaalka, qaxootiga iyo jinsiyadaha

Axmed Xusseen oo ah Soomaaligii ugu horeeyey oo kamid noqda Baarlamaanka Dalka Canada ayaa loo magacaabay Wasiirka Socdaalka, qaxootiga iyo jinsiyadaha Dalka Canada, kadib isku shaadhayn lagu sameeyey xukuumada Dalkaas.

Axmed oo ah qofkii ugu horeeyey oo asalkiisu Somaali yahay oo darajo heerkaas gaarsiisan ka gaara Dalkaas ayaa lagu wadaa inuu dhawaan la wareego xafiiskan muhiimka u ah Somalida qaxootiga ku ah canada.

Umadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxay siweyn oo ay farxadi ka muuqato usoo dhaweeyeen magacaabista Axmed Xusseen iyo heerka wanaagsan ee uu ka gaaray Dalka uu ku nool yahay, waxaana baraha bulshada qabsaday hambalyada loo diraayo Axmed Xusseen.

Soomaalida ayaa waayadii danbaba siweyn uga soo dhex muuqanaysay siyaasada Dalalka ay u qaxeen ee ku teedsan caalamka.

PUNTLAND POST