Madaxweyne Guuleed oo gaashaanka ku dhuftay Xil ka qaadistii lagu sameeyay

Warasxaafadeed goordhow ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Galmudug Cabdi kariin Xuseen Guuleed ayaa lagu sheegay mid sharci daro ah go’aankii Maant aay qaateen Baarlamaanka oo ay xilka uga qaadeen.

Cabdi kariin Guuleed ayaa ku sheegay arintaasi mid aan waafaqsaneeyn sharciga Galmudug iyo Dastuurkeeda.

Guuleed ayaa sheegay in aanu aqoonsan doonin go’aankaasi islamarkaasina uu yahay Madaxweynaha sharciga ah ee Galmudug.

Maanta ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug sheegeen in ay xilkii ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug Cabdi kariin Xuseen Guuleed.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho