Madaxweyne Gaas oo lagu wado inuu booqdo degaanada ay reer miyigu u hayaameen

Bosaaso(Puntland Post)-Sida ay warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyeen illo ka ag dhaw Madaxtooyada Puntland, waxaa lagu wadaa socdaal dheer oo uu Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali uu ku tegi doono degaanadii ay dhawaan roobabku ka da’een ee Gobalada Bari iyo Karkaar oo ay iskugu yimaadeen ku dhawaad hal milyan oo qof oo kasoo kala hayaamay guud dhulka Soomaalida.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale booqan doona degaanada ay abaartu ka jirto si uu ugu kuur galo xaalada ay Dadka iyo xooluhuba ku sugan yihiin.

Dawlada Puntland ayaa dhawaan ciidamo u daad-guraysay degaanada ay reer miyiga tirada badan isugu tageen si looga hortago rabshado dhex mara Dadka faraha badan ee degaanadaas kusoo hayaamay oo ka kala yimi Somaliland, Kilinka shanaad ee Itoobiya iyo Gobaladda kale ee Puntland, sidoo kale Dawlada ayaa degaanadaas geysay koox wacyi gelin usamaynaaya Dadka degaanka si loo soo dhaweeyo Dadka meelaha fog-fog kasoo hayaamay iyo koox kale oo qaabilsan caafimaadka kuwaas oo dawaynaaya Dadka iyo duunyada xanuusan.

Dadka ku nool degaanada ay roobabku ku da’een ee Gobalada Bari iyo Karkaar ayaa si qalbi furan usoo dhaweeyey Dadka iyo duunyada kasoo cararay abaaraha ba’an ee ka jira inta badan dhulka ay Soomaalidu degto.

PUNTLAND POST