Faroole: ” Xildhibaanada cusub waxaad sabab u noqon kartaan sumacadii iyo amaankii Soomaaliya”

Madaxwaynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole oo kamid ah musharaxiinta Soomaaliya ayaa maanta u dhoofay magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxuuna sheegay inuu howlo shaqo u aaday dalkaasi balse uu ku soo laaban doono magaalada Muqdisho oo haatan ay ka socdaan doorashooyinka Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Faroole oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Garowe ayaa sheegay inuusan waxba iska badalin go’aankiisii musharaxnimo waxuuna Baarlamanka Soomaaliya usoo jeediyay inay xil muhiima iska saaraan qofka ay u dooranayaan madxwaynaha dalka maadaama ay kala xulanayaa Musharaxiinta.

Sidoo kale Musharaxan ayaa sheegay inay shacabka Soomaaliyeed u baahan yihiin nidaam ku dhisan cadaalad, Midnimo iyo kala dambayn siyaasadeed ,taasina waxuu tilmaamay in la helayo markii ay si dhaba u wada shaqeeyaan shacabka iyo madaxda dalka.

Dhanka kale Faroole ayaa ka hadalay abaaraha ka jira dalka Soomaaliya waxuuna sheegay inay dhibaato adag ku nool yihiin dadka xoolo dhaqatada ah,loona baahanyahay in gurmad joogto ah loo sameeyo dadka iyo xoolahooda.

Waxaa kaloo uu baaq u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed inay mus’uuliyad iska saaraan sidii loo caaawin lahaa walaalahooda ku dhibaataysan Miyiga maadaama ay dadka Soomaaliyeed intooda ugu badan yihiin xoolo dhaqato.

Madaxwaynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud oo ah xubin ka tirsan aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa u sharaxan xilka madaxtinimo ee dalka Soomaaliya waxaana la filayaa in maalmaha soo socda uu gaaro magaalada Muqdisho, waxay noqonaysaa markii koowaad oo uu tago magaaladaas tan iyo markii uu sheegay inuu yahay Musharax Soomaliyeed.

PUNTLANDPOST.COM

Maxamed Cabdicasiis Dhuubka