Cali xaaji Warsame oo Safar Deg Deg ah ugu Amba baxay dalka Kenya

Musharax Dr.  Cali Xaaji Warsame oo ka mid h Musharaxiint u taagan Xilka Madaxwaynaha Soomaliya ayaa Safar deg deg ah ugu ambabaxay magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya, waxaana socdalkiisu la xariiraa Olalaha Doorashada ee maalmihii lasoo dhafay uu ka waday Magaalada Muqdisho.

Xariiro aan la samaynay xarunta Olalaha Doorashada ee Dr. Cali Xaaji Warsame ayaa xogta safarka deg deg ah ee Nairobi waxa ay ku sheegeen mid muhiim ah kaas oo xoojin doona Olalaha Doorashada ee Muqdisho ka socda.

Siyaasi Musharax Cali Xaaji Warsame ayaa loolan adag ugu jira qabashada Xilka Madaxwayaha Soomaaliya, waxaana uu xariiro fiican la leeyahay diblamaasiyiinta Beesha Caalamka ee fadhiguudu yahay magaalada Nairobi, waxaana taageerada ugu badan uu ka haystaa daneeyayaasha Soomaaliya, iyadoona Safarka deg deg ah la go’aamiyay goor dame oo xalay ah.

Ugu Dambayntii Mushrax Cali Xaaji Warsame ayaa Maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho kulamo isdaba jog ah kula lahaa Xildhibaanada Aqalka Sare iyo Golaha shacabka, kuwaas oo quseeyay hagida Gudoomiyaha Golaha shacabka iyo kuxigeenadiisa.

PUNTLAND POST