Baarlamaanka Galmudug oo Xilkii ka qaaday Madaxweyne Guuleed

Kulanka Baarlamaanka Galmudug oo  Maanta uu Shir Gudoominayay Gudoomiye ku Xigeen ka Koowaad ee Baarlamaan Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa waxaa Si Rasmi ah Xildhibaanadu ay  Kalsoonida kala Nodeen   Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi kariin Guuleed Maalmahaan Mooshin ka Dhan ah uu ganacta ku hayey Gudoonka Sare Golaha Wakiilada Galmudug.

Xildhibaanada soo Xaadiray Kulan Manta gaarayey 54-Xildhibaan oo ka mid ah 89-Xubnood ee uu ka koobayaha Baarlamaanka Maamulkaas ayaa Dhamaad Codeeyey In Xilka Laga Qaado Madaxweyne Guulleed oo ku Eedeeyeynaa Shaqo Gudasho la,aan iyo Ragaadiyey oo uu hor istaagay Howlihii Labada Golee Maamulka Galmudug.

Gudoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka Gal-Mudug ayaa ku Dhawaaqay in xilka Laga Tuuray Cabdi kariin Guuleed islamarkaasina Baarlamaanku uu isku Raacay

Madaxweyne C/kariim Xusseen Guulled ayaa la doortay 4-tii Bishii Julay 2015 ka doorasho ka dhacay Magaalada Cadaado waxa uuna ahaa Shaqsigii ugu Horeeyey Madaxweyne ka Galmudug inta Markii ay midoobeey Maamuladii kala Duwanaa ee ka Dhisnaa Gobalada Mudug iyo Gagaduud taariikhada cusub Dowlada Soomaaliya waxa uu ka Noqday Hogaamiyihii Maamul Gobaleed ee ugu Horeeyey  ee Shaqada looga eryo Mooshin ku Saabsan in uu gabay Howlihii loo Xilsaaray.

Marka la soo Xigto Warar Hoose ee Maalmahaan ka soo baxayey Madaxtooyada Cadaado ayaa Sheegay in Xilka Qaadis Manta lagu Sameeyey Madaxweyne Galmudug  aysan Foorjo badan ku heyn Madaxweyne Guulleed Maadaama uu Waday Qorshe ah in uu Xilka Si Calis Marka ay Soo Dhamaato Doorashada Madaxtinimo ee Soomaaliya.

Hoos ka dhageyso Codka Gudoomiye ku xigeenka oo ku Dhawaaqayo in Xilkii laga tuuray Guuleed

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post