QANDALA: Madaxweyme Gaas oo Booqday xarumo Dowladeed oo xiran

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo maanta gaaray Degmada Qandala oo ka tirsan Gobalka Bari ayaa si diiran waxa ugu soo dhaweyey maamulka Degmada Qandala iyo shacab tiro badan oo watay calamada Puntland iyo soomaliya.

Madaxweyne Gaas ayaa booqday xarumo mihiim ah oo ay ka mid yihiin saldhiga Degmada, xarunta Degmada, xarunta caafimaadka iyo goobaha wax barshada ee Degmada Qandala oo xiligan gabi ahaanba aan shaqayn.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale kala diray golihii deegaanka Degmada Qandala, waxaana la filayaa in sida ugu dhakhsaha badan loo soo dhiso gole deegaan oo cusub.

Madaxweyne Gaas ayaa la filayaa in maalinta bari ah loo soo bandhigo hub, gaadiid iyo maxaabiis dhawan lagu qabtay dagaalkii ciidamada Puntland iyo Daacish ku dhexmaray aaga Qandala.

PUNTLAND POST