QANDALA: Madaxweyme Gaas oo Booqday xarumo Dowladeed oo xiran

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo maanta gaaray Degmada Qandala oo ka tirsan Gobalka Bari ayaa si diiran waxa ugu soo dhaweyey maamulka Degmada Qandala iyo shacab tiro badan oo watay calamada Puntland iyo soomaliya.

Madaxweyne Gaas ayaa booqday xarumo mihiim ah oo ay ka mid yihiin saldhiga Degmada, xarunta Degmada, xarunta caafimaadka iyo goobaha wax barshada ee Degmada Qandala oo xiligan gabi ahaanba aan shaqayn.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale kala diray golihii deegaanka Degmada Qandala, waxaana la filayaa in sida ugu dhakhsaha badan loo soo dhiso gole deegaan oo cusub.

Madaxweyne Gaas ayaa la filayaa in maalinta bari ah loo soo bandhigo hub, gaadiid iyo maxaabiis dhawan lagu qabtay dagaalkii ciidamada Puntland iyo Daacish ku dhexmaray aaga Qandala.

PUNTLAND POST

One comment on “QANDALA: Madaxweyme Gaas oo Booqday xarumo Dowladeed oo xiran”

  1. Cadawga Hawiye,
    BOONBOOYINKA AL SHABAAB,
    SHISHEEYAHA HUB KU QARXIN SOMALIA
    QURAANKA Ogadeenku ku Fasiray afsomaliga beentaa
    Cadaawada u dhexaysa iyo dilalka dalka laga fuliyo
    Soo dhawaysiga Amhaarada, Kenya iyo
    Cadawgaa Eritrea oo Afsomaliga ku been abuurta oo Roga
    Ayaa noogu wacan abaaraha.
    Carabtii aan kubiirnay waxay nookeentay colaad, been iyo is nacayb aan xad lahayn.
    Dalal islaam way badan yihiin oo wax shar ah aan lahayn.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *