Madaxweynaha Puntland oo gaaray Degmada Qandala

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayey ayaa goor dhaweyd gaaray Degmada Qandala ee Gobolka Bari, halkaas oo ay dhawaan ciidamada Puntland dib uga qabsadeen kooxo sheegtay inay ka tirsan yihiin Ururka Daacish .

Madaxweyne Gaas iyo waeftiga la socda ayaa ku socdaalkooda ku maray dhinaca Badda, waxaana la filayaa in ay kulamo la qaataan Saraakiisha ciidamada Puntland ee Degmadaas ku sugan.

Degmada Qandala ayaa 26 Oktoobar ee sanadkii hore waxaa la weegay kooxo sheegtay inay ka tirsan yihiin Ururka Daacish, laakiin ciidamada Puntland ayaa dib u qabsaday 7 December  sanadkii la soo dhaafay.

Booqashada Madaxweynaha Puntland ayaa ah tii ugu horeysay ee uu ku tago Degmada Qadiimiga ah ee Qandala.

Waxii warar ah ee ku soo kordha safarka Madxweynaha Puntland kala soco, Puntland Post