Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay Mooshinkii Barlamaanka

Madaxweynaha Galmudug Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay Mooshinkii shalay ay ka gudbiyeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Madaxweyne Guuleed oo Warbaahinta la hadlayay ayaa nasiib daro ku tilmaamay mooshinka xiligan ay ka gudbiyeen Xildhibaano katirsan Maamulkiisu, isagoo intaas ku daray in Xildhibaanadu ay a awood uleeyihiin xil kaqaadis, balse aysan haboonayn in xiligan la diyaariyaan Mooshin isaga xilka looga qaadaayo.

“Shaki kuma jiro Baarlamaanka inuu leeyahay awoodo, awoodahiisa Dastuuriga ahna waxaa ka mid ah in Madaxweynaha xilka ka qaadaan, iyo in Waajibaadka Dastuuriga ah qaataan, waxaan leeyahay maanta kuma habooneyn munaasabna kuma aheyn Mooshin noocaasi oo kale ah in la keeno, umana maleynaayo in shacabka Somaliyed ay maslaxad u tahay, waxaan u soo jeedin lahaayeen Baarlamaanka in arintaa iyada ah loo dareemo maanta inaysan habooneyn, Duruufta iyo marxalada dalkana la eego.” Ayuu yiri Madaxweyne Guuleed.

Baarlamaanka Galmudug ayaa shalay kulan ay ku yeesheen Magaalada Cadaado waxa ay ku gudbiyeen Mooshin xil ka qaadis ah.

PUNTLAND POST