Lacacgihii shuruudda looga dhigay murashaxiinta ujeedadoodii waa cadaatay! WQ/: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

{Inaan gobanimo gaarno oo dowlad noqono

awoowayaasheen waa u dhinteen

waana innagu soo simmeen,

marka Xil-DHibaanadeena ma u qadi waayeen

si ay u ilaaliyaan?!…}

Murashaxiinta u soo istaagay xilka gudoonka golaha shacabka waxay u ekaayeen Max’ed Cusmaan Jawaari oo 4 nin iska soo dhigay oo kolba shaati inoo soo gashtay, oo mar tinta soo madoobaystay, mar ay timo u soo baxeen oo bidaartii qarsoontay!….mar isagii wadaad ah oo quraan daliishanaya oo aad is leedahay ninku magaciisii hore amuu ahaa SHiikh Jawaari?! Haduu koofiyad Baraawe soo gashan lahaa waaba lagu dhaaran lahaa inuu SHiikh Jawaari ahaa!… awalba wadaaddadu kuma yareen golaha shacabka, Yaa?!….Bal fiiri mar kasta oo la furayo fadhiyada golaha shacabka waxaa lagu furayay aayadaha Alle, waxaana joogay wadaaddo aayadaha quraanka fasira!…… laakiin marna wax ku ool ma noqon shaqada golaha!……

Waxaan is weydiiyay run ahaan  4ta nin ee u tartamaya guddoonka barlamanka lacagta 15ka kun ee dollar ma waxay u bixiyeen inay ummadda u adeegaan?! Allow runta u hiilli!…haddana waxaa igu soo dhacay maanta adeegga ugu muhiimsan ee ummadu u baahantahay inuu yahay in loo gargaaro kumanaanka qof ee ay abaaruhu aafeeyeen ee biyo la’aanta iyo gaajada u dhimanaya, maanta adeeg kaas ka weyn oo ay ummadda Soomaaliyeed u baahnayd ma jiro!…….hadana waxaa igu soo dhacay oo qof kasta si uu ummadda ugu adeego ma waajib baa inuu xil u qabto?!….waa kaas oo dad badan baa is xil-qaamay oo siyaabo kala duwan ugu adeegay dadkii abaaraha ku tabaaloobay waliba iyagoo aan lacag bixin ama haysan; kuwo wixii loo keenay gaarsiinaya, kuwo u qaybinaya,….macnahadad badan baa xooggoodii dadkaas ugu adeegay, muxuu yahay adeegga taas maanta ka muhiimsan?!…..

Bal midna is weydii, nimankan 15ka kun ee dollar ku bixiyay inay isku rashaxaan guddoonka barlamanka lacagta ma dowladdaa siisay mise iyagaa iska bixiyay?!….Haddii ay iyaga iska bixiyeen ma dib looga soo celin oo dowladdaa u gudaysa?!…dowlad ma siin, sadaqana ma aha, sharcina kama qaadin, dibna ugu soo noqon mayso!…..marka ma loo xoog sheegtayna?!….. Maxaad fahamtaya marka?!….ma kuu muuqataa sida loo hor joogsaday muwaadhiniin badan oo iyagana mudnaa inay xilkaas qabtaan?!…..Maxaase loo hor joogsaday baad u malaynaysaa?!.. Sidaa kaluunkeenii loo bililiqaystay baa siyaasaddii dalka iyo maamulkiisiina la doonayaa in loo bililiqaysto!…waa arrin Xil-DHibaannada laga rabo inay fahmaan, waana inay xasuustaan oo garowsadaan in sidii aan gobanimo u gaari lahayn oo dowlad u noqon lahayn ay awoowayaasheen u soo halgameen, naftoodiina u bixiyeen si aan uga dhaxalno, marka Xil-DHibaannadii aan wakiilannay u qadi waayeen?!….

Jawaari ayaa xil-dhibaannada dhallin–yarada ah ee

 golaha shacabka ku soo biiray si

 gaar ah uga digay inaysan is-bedel

 u qaadan in nin lagu bedelo nin kale!

KHudbbadihii ay jeediyeen 4tii nine e u tartamayay Guddoonka barlamanka marka laga soot ago in nin kasta oo iyaga ka mid ah uu murashax ahaa waxa ay sheegeen dhammaan waxay ahaayeen wixii ay ummadu u baahnayd, hasa yeeshee Jawaari iyo Xiddig, maxay horay ugu shaqayn waayeen wixii ay shalay aqrinayeen?!..Max’ed Cusmaan Jawaari, afar sano ayuu soo ahaa guddomiyihii Barlamanka shaqadiisii oo dhanna waxay ahayd inra’iisal-wazaaraha ay madax-weynaha is qabtaan oo rido midkii uu soo magacaabana u ansixiyo!….Afar sano wuxuu ku dhameeyay intaas, gobolo ayaa dagaalo ka socdeen afartaas sano ee uu guddoomiyaha ahaa siiba SHabeelaha-Hoose oo ciidamo dowladda ka amar qaata ay dadka deegaanka ka cabanayeen, maalin keliya Jawaari kama hadlin, madax-weynihii ay golihiisa soo doorteen Xasan SHiikh Max’ud,  baa qaynuunkii iyo xeerarkii dalka ku tuntay marna kama hadlin!….maalin kasta xil-dhibaano ayaa magaallada Muqdisho lagu dilayay ha’adaha ammaanka iyo gar-soorka marna wax kama weydiin…

Jawaari intii uu hadlayay wuxuu hadalkiisa ku kabay aayadda 58aad ee suuradda Al-Nisaa, ee Eebbaheen uu dadka ku faray ammaannada iyo cadaaladda!…Jawaari aayddaas shalay ma baran, waana aayad ka mid ah aayadaha ardayda iskuulaadka lagu bari jiray aayadda 103aad ee Aalaa-Cimraan ee ka hadlaysa qabsashada xarrigga Eebbe, iyo aayadda 27aad ee Al-nuur ee ka hadlaysaa aadaabta guryaha lagu galo…..Xiddig, isagu waxaan in badan waxaa lagu tilmaamaa nin siyaasaddiisu aysan deggenayn oo kolba dhan u guura siyaasad ahaan, muddadii 12ka sano ahayd ee uu xil-dhibaanka soo ahaa, siiba afartii sano ee u dambaysay Cabdi-Rashiid Xiddig eedihii uu aqrinayay shalay ama dhaliilihii uu u jeedinayay af-hayeen Jawaari maalin keliya horay loogama maqlin!….laakiin nimankii dhalin-yarada ahaa Cabdi Fataax iyo Idiriis in kasta oo aan la aqoon hadana hadaladooda waxaa ka muuqday niyad sami aad u sareeysa.

Max’ed Cusmaaan Jawaari, Guddoomiyihii hore iyo Cabdi-Rashiid Xiddig, waxay ka hadlayeen  inay lacagaha mushaarka xil-dhibaannada iyo dar-yeelkooda ku dadaalayaan, gunnooyin iyo habeen dhax, laakiin dhibaatadaas ma aha mid ku gaar ah xil-dhibaannada ee waa mid guud ahaan haysata shaqaalaha dowladda!…. Guddomiyihii hore, Jawaari waxaa ka muuqday inuu xubnaha dhallinyarada ee golaha shacabka ku soo biiray uusan ku kalsoonayn inuu codkooda healayo, wuxuuna uga digay inaysan isku khaldin is-bedel iyo in nin lagu bedelo nin kale “ ….Mudane eheheheh! ii  waa arrin muhiim ah in aan idnkala dardaarmo, waa wax is-bedelka!  .. is-Bedel doonka ay badanaaba dhallin yarada ku ag martaa ay sheegaan, barlamankeena maanta hadda tirada maanta joogta,..tirada la doortay 1 6%  waxay ka koobanyihiin dhalin yaro, dhallin-yaradaa waxaanu leenahay is bedel ma aha qof meel laga qaad qof kale la keeno!…..” ayuu Jawaari yiri. Idiriis DHaqtar, ayaa isagana ahaa ninka keliya ee soo hadal qaaday dadka ay abaaraha aafeeyeen isla markaasna xil-dhibaannada ugu baaqay inay gacan ka geystaan gargaarka dadkaas loo fidinayo.

Lacagtii laaluushka ahayd laysu dacaree

”Markaad codeynayso telefoonkaaga ku sawir

si aad u cadayso inaad ii codeysay

 lambarkaasna ku soo dir!!”

Sida laga dheehan karay tirrada murashaxiinta u tartamayay guddoonka barlamanka ujeeddadii laga lahaa in 15kun oo dollar lagu xujeeyo qofka xilkaas isu soo rashaxaya ayaa ahayd in nimankii isku siyaasadda ahaa ee afarta sano iyo dheeriga lagu eedeyniyay dhaca hantidii ummadda, shirqool iyo dilal siyaasadeed ay iyaga keliya isa soo rashaxaan, waxaan hubaal ah inaysan joogin dad badan oo la hubo inay ka mudnaan lahaayeen cododka xil-dhibaannada, Jawaari iyo guud ahaan saaxiibbada Xasan SHiikh Max’ud oo ay heli waayeen lacagtaas ama ay u cuntami weyday shuruuddaas sharci darrada ah ee ujeeddada ku qarsoon ay tahay in si sharci daro ah talada dalka lagu hanto!…..hasa ahaatee Xil-DHibaannada Golaha –SHacabka ayeey tahay inay gartaan oo ay codkooda uu noqdo dhab ahaan midka ilaalinaya qaynuunka iyo dastuurka ummaddu ku heshiisay.

Wax kastaba la sheeg, laakiin maanta laaluushkii waa laysu dacareeyay! Sida hadda ay tahay xaaladda Xamar taal ayaa arrintu waxay maraysaa in murashaxiinta xilka madax-weynaha u tartamaya qaarkood ay xil-dhibaannada tirada yar ee laaluushka ka qaadanaya ay ku xirayaan shuruud aad khatar u ah oo macnaheedu yahay sidii ay u xaqiijin lahaayeen in talada dalka ay xoog ku qabsadaan, wararka soo baxay qaarkoodna waxay tilmaamayaan in murashaxiinta xilka madax-weynaha qaarkood ay ninkii laaluush ka qaata kula dardaarmeen in markuu codeyniyo uu taleefoonkiisa ku sawiro si uu ugu cadeeyo qofka uu lacagta ka qaatay inuu u codeeyay isal markaasna uu sawirka cadeynta ah u diro ninkii uu u codeeyay!……haddii uusan taas yeelinna uu lacagtii lagu laaluushay celiyo!….oo haddii la mamnuuco in telefoon xil-dhibaannada codeynaya ay soo qaataana?!…

Waxaan hubaa ceebo badan oo Xil-DHibaannada laga sheegayo inaysan jirin, Xil-DHibaannadu cirka kama imaan ee waxay ka yimaadeen guryaheenna, waxay ka yimaadeen mujtamaca Soomaaliyeed ee dhibban, waxy ogyihiin xaaladda qalafsan ee dalka ku suganyahay, waxaa damqaya dhibatada dadkooda, wayna ka war-qabaa in kuwa laaluushka la wareegaya ay yihiin kuwii ay iyaga shalay doorteen iyagoon waxba haysan, marka side bay ku dhacaysaa ninkii ay shalay amaanada u dhiibeen isago gacmo maran inuu maanta ammaannadii ay shalay u dhiibeen marti uga noqdaan isaga?!….Xil-DHibaannada waa in kalsooni la siiyaa, waa in laga dhaafo af-lagaaddada, waa in sharafta iyo mudnaanta la siiyaa lagu ixtraamaa waa in la tusaa inay iyaga dalka mas’uul ka yihiin, ……Xil-DHibaannaduna waa inay ogaadaan in shacabku xaq ugu leeyahay ammaannada ay u dhiibteen inay kula xisaabtamaan!……..

PUNTLAND POST