Horyaalka Kubbadda Cagta Puntland oo Garowe ka socda iyo guulo la kala gaaray

Waxaa maalinkii labaad Soconaya Horyaal Kooxaha heerka koowaad ee Puntland, waxaana maanta dhacay laba kulan oo isdaba joog ah, kuwaas oo ay isku arkeen 4-kooxood.

Kulankii koowaad ayaa waxaa fooda isku daray labada kooxood ee Comsed Fc iyo Kooxda Boosaaso Fc, waxaana ay guushu Raacday kooxda BoosaasoFc, oo ku badisay 2-1.

Kulanka labaad ayaa ahaa mid xiiso badan isana waxaana isku arkay kooxaha kala ah Qardho Fc iyo Homboboro Fc, Ciyaar kulul kadib waxaa ay guusho raacday Kooxda HoboboroFc, oo ku guulaysattay 1-0.

kulamadaan ayaa qayb ka ah, horyaalka Puntland oo la filayao in uu socda 3bilood ee Soosocda, iyada oo ciyaaraha wajiga labaad ay ka dhicidoonaan Gobolada iyo magaalooyinka ee Puntland sida Boosaaso, Gaalkacyo, Qardho iyo Garoowe oo uu hadda kasocda.

Hirgalinyta Koobkaan ayaa waxaa iska kaashanay, Xiriirka Kubbadda Cagta Puntland iyo Ciriirka Kubbadda cagata Soomaaliya, waxaana uu Qayb ka yahay balaarinta iyo dib u dhiska hanaanka Ciyaarah Kubbadda Cagata Soomaaliya.

PUNTLAND POST