Baarlamaanka Turkiga oo ka doodaya qorshe awooda loogu kordhinayo Madaxwaynaha dalka

Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa maanta oo Isniina ka doodaya sharci cusub oo lagu soo kordhinayo Dastuurka dalkaas,kaasoo ah in awooda loo kordhiyo Madaxwaynaha dalka.

Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inay wangasanaan lahayd in awooda loo kordhiyo si uu ula mid noqdo Madaxwaynayaasha dalalka Faransiiska iyo Maraykanka.

Dadka dhaliilsan qorshahan ayaa dhankooda tilmaamay inay arintan ka dhigantahay awood maquunsi dalka u horseedi karta kali talisnimo,taasna ay kasoo horjeedaan.

Erdogan ayaa hada dalkiisa ku maamulaya awood dheeri ah tan iyo markii la isku dayay afgambigii fashilmay taasina ay keentay in dalka lagu soo rogo xukun dagdag ah.

Xisbiga talada haya ee AK ayaa sheegay inay u baahan yahiin taageerida Xisbiga mucaaradka ah ee MHP si loo helo awood buuxda loona meel mariyo sharcigan cusub inta aan afti dadwayne loo qaadin.

Turkiga ayaa kamid ah wadamada ugu awooda badan dalalka Islaamka waxuuna dagaal siyaasadeed kula jiraa dalal badan oo ka soo horjeeda awooda Islaamka.

PUNTLANDPOST
Maxamed Abdicasiis Dhuubka