Xubintii ugu horeysay Aqalka sare ee Gobolada Waqooyi oo la doortay

Doorashada xubnaha Aqalka sare u matalaaya Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya oo ka socota magaalada Muqdisho ayaa goor dhaweyd la doortay Kursigii koowaad, iyadoo uu ku guuleystay Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo noqday Xildhibaankii ugu horeeyay ee loo doortay Kursiga Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.

Xildhibaan Cabdi Xaashi ayaa la tartamaayay Mudane lagu magacaabo Maxamuud Jirde Xuseen  wuxuuna kaga guuleystay  29 cod.

Guddiga Doorashada xubnaha Aqalka sare ee Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in Xildhibaan Cabdi Xaashi uu yahay ruuxii ugu horeeyay ee loo doorta Kursiga Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.

Doorashad xubnaha Aqalka sare ee Gobolada Waqooyi ayaa hadda si habsami leh uga socota magaalada Muqdisho waxaana lagu wadaa in la doorto xubna kale.

PUNTLAND POST