Madaxweyne Gaas oo goor dhaw KHudbad UJeedin doona Shacabka Puntland

Boosaso[Puntland Post] Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka jeedin doona khudbad gaar ah oo uu kaga hadlayo xaaladdaha kala duwan ee Puntland ka jira, sidaas oo kalena wuxuu diiradda saari doonaa wixii u qabsoomay Xukuumadiisa tan iyo markii la doortay 2014-kii oo maanta sadex sanno laga joogo.

Saxaafada ka hawl gasha Puntland gaar ahaan kuwa Boosaso ayaa la filayaa in dhawaan looga yeero xarunta Qasriga Madaxtooyada Boosaaso bulshada reer Puntland waxa ay isha ku hayaan waxa yaabaha uu ka hadli doono khudbadiisa xili xaalado kala duwan ay dalka ka taagan yihiin.

Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas madaxweynaha Puntland  ayaa waxa hor yaal arimo badan oo ay ugu horayso Amniga dalka, Abaaraha ka jira Puntland, iyo mudadii uu xilka hayey oo hada sadex sano laga joogo waxa yaabaha u qabsoomay iyo Arimo kale oo xasaasi ah.

Isbadal lagu saman doono Golaha xukuumada Puntland oo qaar kood ay mudo sadex sano ah joogeen xafiisyadooda ayaa la filayaa in saacadaha inagu soo Aadan in lagu sameeyo isbadal.

lasoco Puntland Post wxii soo kor dha insha alah

CABDIQANI BOOS 

PUNTLAND POST ,BOOSASO