Madaxweynaha Puntland oo beri subax ku wajahan Qandala

Wararka naga soo gaaraya magaalada Bosaso ayaa sheegaya in maalinta beri ah oo ku beegan Isniin 9 January 2017 wafti uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ay ku wajahan yihiin magaalada Qandala ee Gobolka Bari.

PUNTLAND POST ayaa todobaadkii lasoo dhaafay daabacday warbixin ay ku shaacinayso socdaalka Madaxweyne Cabdiwali ku tagayo Degmada Qandala oo ciidanka Puntland ay dhawaan dib uga qabsadeen kooxo ka tirsan Ururka Daacish oo mudo ku dhaw labo bilood halkaas joogay.

Hoos ka akhriso Warbixintii horre ee PUNTLAND POST

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST