Khudbadaha Musharaxiinta utar-tamaya Gudoonka Barlamaanka oo hada Bilaabatay

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hadda dhageysanaya khudbaddaha Musharaxiinta u taagan qabashada gudoomiye-nimada Baarlamaanka ee Soomaaliya.

Waxaa jooga Mudanayaasha Baarlamaanka iyo musharaxiinta oo jeedinaya khudbadahooda, waxaana lafilayaa in ay hadda bilaabaan Kalmadahooda.

Jadwalka khubadaha murashixiinta oo uu uu saaray guddoonka kumeel gaar ah ee Barlamaank ayaa murashaxiinta siiyay waqti isku mid ah, waxaana la filayaa in uu mid walba taariikhda iyo qorshihiisa siyaasadeed uu u jeediyo Xildhibaanadda si uu ugu qanciyo inay codka siiyaan.

Murashixiinta u tartamaya guddoomiyaha Barlamaanka ilaa hada waxaa ka mid ah guddoomiyihii hore ee Barlamaanka Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, Cabdifitaax Maxamed Ibrahim, Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig iyo Idirs Cabdi Takar, halka guddoomiye kuxigeenkana ay u sharaxan yihiin Cabdiweli sheikh Ibrahim Muudey, Faarax Sheekh Cabdiqadir, Jeylaani Nur Ikar, Khadija Maxamed Diiriye, Khalid Macow Cabdiqadir iyo Saciid Xuseen Ciid.

Hadaba khudaba ayaa si toos ah uga bilaabatya hada xarunta baralamanka Soomaliya waxAana la dhagaysanayaa  khudbadaha musharixiinta u tartamaya xilalaka gudoonka Barlamanka Soomaliya iyo ku xigeenkiisa.

CABDIQANI BOOS
PUNTLAND POST