Gabar wariye ah oo ku guulaysatay xubin kamida xildhibaanada Aqalka sare

Wariye Muna Cumar oo kamid noqotay xildhibaanada aqalka sare
Wariye Muna Cumar oo kamid noqotay xildhibaanada aqalka sare

Muqdisho(Puntland Post)-Iyadoo maanta  magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ka bilaabatay doorashada xildhibaanada aqalka sare u matelaaya Beelaha waqooyi ayaa waxaa kamida xubnaha maanta la doortay Gabar wariye ah oo lagu magacaabo Muna Cumar Xasan taas oo ka hawl-geli jirtay Warbaahinta Dawlada Soomaaliya.

Muna oo kamid ahayd gabdhaha saxafiyiinta ee ugu caansan kuwooda ka hawlgala gudaha Soomaaliya ayaa 32 cod kaga guulaysatay gabar kale oo la tartamaysay.

MunoaCumar ayaa sanadihii ugu danbeeyey ka shaqaynaysay Warbaahinta kala duwan ee Soomaaliya sida Idaacadii Horn Afric iyo hada oo ay katirsanayd TV-ga Qaranka Soomaaliyeed.

Sanadihii danbaba waxaa soo badanaayey saxafiyiinta Soomaaliyeed ee u xuubsibaanaya siyaasiyiinta, iyadoo tiro warariyayaal ah marar kala duwan kasoo muuqdeen Dawladihii kala danbeeyey.

Doorashada xubnaha Aqalka sare ee Gobalada Waqooyi ayaa maanta la doortay ilaa iyo Lix xildhibaan oo kala ah.

  1. Xildhibaan Cabdi Xaashi cabdulaahi
  2. Xildhibaan Muxudiin Sheekh Jaamac
  3. Xildhibaan Mustaf Maxamed Qodax
  4. Xildhibaan Muna Cumar xasan
  5. Cabdikariin Maxamed Xasan
  6.  Cabdirisaaq Axmed Cali

Maalinta Bari ah ayaa lagu wadaa in la doorto Shanta Kursi ee ka dhiman xubnaha Aqalka sare ee Gobolada Waqooyi.

PUNTLAND POST