Amal Group oo $30,000 ugu deeqday mashruuca koronto gelinta Gagida Diyaaradaha Garowe

Garowe(Puntland Post)-Munaasbad ballaaran ayaa lagu qabtay xarunta dhexe ee uu bangiga amal ku leeyahay magaalada Garoowe

munaasabadaan ayaa bangiga Amal ku kudoonsiiyay gudiga dhamaystirka gagida diyaaradaha ee Garoowe  lacag dhan $30,000 (sodonkun oo doolarka maraykanka ah), deeqdaan lacageed ayaa qeyb ka ah mashruuca koronto gelinta Gagida diyaaradaha ee Garoowe.

Ugu horey waxaa munaasabada ka hadlay maamulaha guud ee bangiga Amal mudane Siciid Cali Shire oo si kal iyo laab ah u soo dhoweeyay xubnaha gudiga  dhamaystirka gagida diyaaradaha ee Garoowe , soo dhoweynta kadib Mudane Siciid Cali Shire  wuxuu si qoto dheer uga hadlay sida bangiga Amal uga go’antahay inuu ka qeyb qaato hormarka bulshada, wuxuuna tilmaamay markii bulshadu hormarto ayuu bangiga Amalna hormarayaa.

Dhanka kale Prof. Mohed Abdirahman Dalmar oo ka mid ah golaha guud ee mamaulka  bangiga amal  ayaa  Amal Group u wakiilatay inuu gudoonsiiyo   gudiga dhamaystirka gagida diyaaradaha ee Garoowe deeqdaan lacageed ee Amal group ugu deeqday   mashruuca koronto gelinta Gagida Diyaaradaha Garoowe.

Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdirahman Maxamed Faroole oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka soo qeybgashay madasha ayaa u mahadceliyay shirkada  Amal Group kuna amaanay kaalinta weyn ee ay ka qaadatay hormarinta bulshada, waxana ka mid ahaa hadaladiisa “shirkada Amak Group waxay ku amaana tahay inay xarunteedii ugu weynayd ka furatay Garoowe, dhismahaan aadka u quruxda badana ay ka dhisatay Magaalada Garoowe, markaan soo galay gudaha xarunta Bangiga aad ayaan ugu farxay sida quruxda badan ee loo casriyeeyay dhismaha Bangiga Amal, aad iyo aad Ayaan idiinku mahadcelinayaa, waxaana idin leeyahay Alle hadiin barakeeyo Hnatidiina” .

Sidoo kale waxaa madasha ka hadlay xidhibaan Siciid Abdi samatar, Ganacsade Cabdifatax kismaayo oo ka mid ah gudiga dhamaystirka karoonka diyaaradaha ee garoowe ayaa  dhamaantood waxay u mahadceliyeen Amal Group iyagoo ku amaanay Amal Group inay ka mid tahay shirkadaha ka shaqeeya hormarka bulshada, waxayna ugu baaqeen in shirkadaha kalena ay ku deydan Amal Group oo ka qeyb qaataan hormarka bulshada.

Ugu damayntii waxaa munaasabada soo xirey  duqa Degmada Garoowe mudane xasan goodir ooo isaguna dhankiisa cabiray dareenkiisa ah in amal bank hormar wey ku talaabsaday dhismayaal casri ahna wadana ku soo kordhiyay.

img_2000

img_1998

muhim5

muhim-6

muhim-3

muhim-1

PUNTLAND POST