WASIIRKA DEEGAANKA PUNTLAND OO XARIGA KA JARAY DHISMAHA CUSUB EE WASARADDA DEEGAANKA

Munaasabadan  oo  si wan loo soo qaban qabiyey ayaa xariga lagaga jarayey dhisme cusub oo ay wasaradda deegaanka dalxiiska iyo duurjoogta Puntland  ay ku yeelan doonto magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari,waxana dhismahan maal galintiisa bixiyey Bankiga aduunka iyadoona ay hirgalisaya shirkada IPECO oo ka hawl gasha deeganada Puntland.

Xarig  jarkan dhismahan cusub ayaa waxa ka qab galay xubno ka tirasan golaha xukuumad Puntland ,Maamulka gobalka Bari,  kan Degmada Boosaso, Haween iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Deegaanka, Dalxiiska iyo Duurjoogta Puntland Cali Cabdullaahi Warsame oo  furitaanki munaasibadda  ka hadlay ayaa u mahadcelin balaaran u jeediyey ka qeyb-galayaashii, waxaana uu hirgelinta dhismahan cusub ku tilmaamay mid taariikhi ah oo wakhti badan uu ku bixiyey sidii loo hirgelin lahaa .

Xafiiskii ugu horeyey oo ay wasaradda deegaanka Puntland ay ku yeelato magaalada Boosaso ee xarunta gobalka Bari, waxa uu soo maray dhismahan marxalado kala duwan maantana halkaas buu jooga waa wax ale lagu mahdiyo.

Markii aan xafiiska wasaradda deegaanka Puntland aan qabtay waxan go aansaday in magaalada Boosaso aan ka hirgaliyo Xafiis ay wasaraddu leedahay taasina waxa ay keentay in mashruucii ugu horeyey ee wasaradda la siiyo aan ka hirgalino Boosaso.

Waa guul aan gaarnay mudadii aan xafiiska jooganay dhul badan oo magaalooyin ahna oo an xafiis lahan iyadana way noo qorshaysan yihiin insha alah sidaas waxa yiri wasiirka deegaanka Puntland Cali Cabdulaahi Warsame.

Gudoomiye ku xigeenka Gobalka Bari, Axmed Cali Cabdilaahi Ciro oo dhankiisa munasabada ka hadlay ayaa waxa lagu farxo ku tilmaamay in dhismahan cusub ay wasaraddu ka hirgaliso magaalada Boosaso ee xarunta gobalak Bari .

Wasiirka wasaradda duulista iyo iyo garoomada Puntland Xasan Xaaji Xasan Cade ku xigeenka  wasaarad kaluumaysiga Puntland Maxamuud Maxamed Cali ayaa dhankooda bogaadiyey dhsimahan qabka casiriga ah loo sameyey oo ay wasaraddu ku yeelatay Gobalka Bari, waxayna wasarad ku til maameen mid ku daysho mudan .

 

Dhismahan cusub oo ay wasaradda deegaanka Puntland ay ku yeelatay magaalada Boosaso ee xarunta gobalka Bari,waxana dhismahan lacagtiisa bixiyey Bankiga Aduunka waxana dhistay shirkadda Dhismaha Guryaha iyo Wadooyinka ee IPECO oo ka hawl gasha deegaanada Puntland.

671011311416181711248

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST