General Katumba Wamala oo Booqasho ku tagay Degmada Baraawe

Taliyaha Ciidanka Milaterigga dalka Uganda General Katumba Wamala oo ay weheliyeen Taliyaha Howlgalka AMISOM General Osman Nur Soubagle, Saraakiil Soomaliyeed iyo kuwa Uganda ayaa booqasho ku tegay Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Mas’uuliyiinta ayaa u kuurgalay xaaladda Ciidamadda Soomaliyeed iyo kuwa Uganda ee ka howlgala aagas, isagoo ku dhiirigeliyay kuna amaanay sida ay nabadda iyo xasiloonida ugu soo celiyeen, kadib markii laga saaray Al Shabaab Degmaddas.

Sidoo kale Mas’uuliyiinta ayaa warbixin ka dhageystay Saraakisha Ciidamadda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo ka warbixiyay wada shaqeynta Ciidamada huwanta ah iyo howgaladooda ee ku aadan Gobolka shabellaha hoose.

General Katumba Wamala ayaa Ciidamadda Soomaliyeed ku amaanay sida ay dalkooda u difaacan isagoo ku bogaadiyay inay mar walba xasuustaan inuu dalka Soomaliyeed amnigiisa ay si buuxda Soomalida kaliya ku hanan karto, Ugandana ay marwalba garab taagan tahay.

Ugudanbeyntii General Katumba Wamala ayaa kulamo la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Maamulka Degmadda Baraawe.
b1

b2

b3

b4

b5

b6

b7

b8

b9

PUNTLAND POST