WACYI GALIN KU AADAN ILAALINTA DEEGAANKA OO LOO QABTAY HAWEENKA QARDHO,

Qardho;[Puntland Post]Tababarkan lagu qabtay Hotel Embeeye ee Magaalada Qardho ee Xarunta Gobalka karkaar ayaa loga hadlayey  sidii la tashiyo looga saman lahaa ilaalinta deeganka loona saman lahaa wacyi galin la xiriirata ko horataga falalka Guracan ee deegaanka loo gaysto.

Waxana kasoo qaybgalay Ururada Haweenka  Gobolka iyo degmada Masuliyiin ka socota Wasaradda Deegaanka iyo Haya,dda Care, Maamulka dowlada hoose degmada Qardho iyo marti sharaf kale .

Madaxa xiriirka dadweynaha ee wasaradda deeganka Puntland Abdiqan Hayir  iyo isuduwaha wasaradda deeganka Gobolka karkaar Maxamed Muuse oo ugu haran ka hadalay kulanka ayaa sheegay in muhiimada tababarkan ay tahay  la tashi iyo Aqoon isweydarsi ku aadan horumarinta iyo ilaalinta deegaanka masuuliyiinta ayaa sidoo kale waxay sheegeen in wasaaraddu ay mudooyinkii u dambeeyay dadaal ugu jirtay sidii loo bedeli lahaa habka loogu nugul yahay abaaraha  soo noq noqo naya.

Gudomiye kuxigeenka degmada Qardho ee xarunta Gobalka karkaar C/rizaaq Cumar Faarax oo ka hadalay Madasha looga tashanayo wax ka qabshada ilaalinta deegaanka ayaa haweenka ku booriyay inay ka faa’iidaystaan tababarka wuxuu kalo xusay in tababarkan uu muhiim u yahay bulshada loona baahanyahay in wacyigalinada noocaan ah lajoogteeyo.

Axmed Maxamed Cali oo kamid ah masuuliyiinta Hay’ada Care Puntland ayaa isna sheegay in ujeedada ugu muhiimsan ee tababarkan ay tahay wacyigalin, dadkan lagu wacyigaliyo deegaanka iyo muhimadiisa  isagoona  ka soo qab galyaasha kula dar daarmay in ay uga faaidayan bulshad ay matalayaan,

Masuulka ayaa sidoo kale xusay in Haya,dda Care iyo wasaarada deegaanka ay inta badan wax ku bixiyaan sidii dib looga shaqan lahaa deegaanka xumaaday ee xaalufka ka jiro dibna loogu soo noolan lahaa .

 

Qaar kamid ah haweenkii kasoo qaybgalay ayaa dhankooda xusay inay diyaar u yihiin ilaalinta deegaanka marwalbana ay garab taaganyihiin Wasaarada deegaanka iyo Hay’daha kala shaqeeya ilaalinta deegaanka oo ay Care international ay kamid tahay

Kulanada noocan oo kale ah ayaa la filayaa in ay wasaradda deegaanka Puntland iyo Haya dda Care  international ay magaalad Qardho ka sii wadaan malmahan soo socda.

img-20170104-wa0029img_20170104_100257img_20170104_100224img_20170104_093008img_20170104_092933img_20170104_095052img_20170104_095429img_20170104_092230img_20170104_092319img_20170104_092014img_20170104_092433img_20170104_092841img_20170104_093211img_20170104_092637

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST