Nin malyan dollar MUDANE ku noqday!!Maxaa laga sugayaa?!…Ma inuu dalka Dhaco ? Ma…

DHaar iyo in laaluush  la qaato wax is qabanaya ma aha!!

 Ma laga yaabaa in dad badan oo siyaasadda dalka u dhaartay aysan aqoon macnaha dhaartu waxa ay tahay?!…waa weydiin qof kasta oo Soomaaliyeed madaxiisa ku soo dhici karta marka uu arko sida y u dhaqmayaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee maalin kasta magaca Alle ku dhaaranaya hadana si ula kac ah oo ay ogyihiin dhaartii u jebinaya!….hadda ogow dhaartan ma aha tii luuqadda iyo hadalka qofku iska caadaystay ee Eebbeheen innaka cafiyay, ee waa dhaartiii qasdiga ahayd!…waliba waa dhaar uu ku jiro cahdi ummadda uu la gelayo qofka siyaasiga!.. waa dhaar amaano, oo mas’uuliyadeedu taabanayso qayb kasta oo ka mid ah nolosha dadka Muslimka ah ee xilka loo qabanayo……waxaa wanaagsanaan lahayd in culummada koleey mar keliya noqotana ay tagaan golayaasha siyaasiyiinta  aqalka golaha shacabka ama meelaha kale ee ay ku kulmaan nimankaas siyaasiyaasiyiinta ah oo ay u macneeyaan ama fahamsiiyaan waxa ay tahay iyo macnaha ay leedahay in magaca Alle lagu dhaarto!….. wax weyn baa khaldan…..Dad iska dhaaranaya maalin kasta oo waliba ku dhaaranaya balan qaadyo aysan rabin inay fuliyaan ama sameeyaan!……Ninkii ay la tahay inaysan dhoweynow wallee aakhiro ma foga!……

Wallee balo nimaan arag baa ka sheekeeya! Waxaan garan la’ahay  waxa dadkii ku dhacay!!….Bal adigu waxa dalkii ka dhacay sidee bay kula yihiin waxa dalka ka socda?! Rajadii iyo himmaddii dadku qabay waxay u egtahay inay ceel ku dhacday!…laakiin waxaa is weydiin leh dadkaan yaa isu soo soocay?! Dad isku wada mid ah! Yaa inoo soo helay dadkaan, dad dhammaantood doonaya inay ka faa’iaystaan oo wax ka dheefaan burburka dadkooda iyo dalkooda!…..Juuj-Wa- Ma’ajuuj! Marna ma soo xasuusatay?!  Wax ay hambayniyaan ma jiraan xataa biyaha badda midka ugu soo horeeya ayaa fuuqsanaya!….Ma kula tahay nin toban kun oo dollar oo dayn ah ku soo galay golaha shacabka oo aan shaqo kala haysan, dayntiina loo haysto inuu isagoo madax banaan madax-weyne Soomaaliyeed u codeynayo?! Mase kula tahay nin 30kun madax-weyne ugu tartamay ama 15kun guddoomiye barlamaan ugu tartamay, kharaj malaayiin gaarayana xil-dhibaannada uu codka ka helay ku laaluushay inuu u socdo inuu ummad iyo dal u adeego?!….Lacagtaan dadka murashaxiinta ah laga qaadayo, maxay ku salaysantahay?!…….Guddigii doorashada ee uu guddoomiyaha u ahaa Cumar-DHegeey lacagihii 10kun ahaa ee Xil-DHibaannada ay ka qaadeen maxay ahaayeen?!……Lacag!…..Lacag!…..

mucda-dhaarta

Doorashadii 2012kii shuruudaan ma jirin! Laaluushka iyo musuqmaasuqa waxay ahaayeen sheekooyin laysku xamanayay oo nin kasta uu dareemiyay inay tahay wax Eebbe uu xarimay oo ceeb ah meel  ka dhacna ku ah dadnimmada iyo xil-kasnimmada, laakiin heerka hadda arrintu marayso waa mid loo qaadan karo inay ka dambayso cadaawad fogaatay oo ujeeddadeedu tahay in lagu burburiyo dadnimmada qofka Soomaaliga ah!…..waxaadna moodaa in loo aqoonsaday wax sharci ah!…waxaa la dilay damiirkii qofka!…..lacagahan oo ay markii u horeysay Guddigii Doorashada ku xujeeyeen murashaxiintii labada xil-dhibaannada (10kun oo dollar) ayaa lacagaha lagu hagaajinayay xawaaladda Dahab-SHiil! Wali lama yaqaan sababta Dahab-SHiil bangigii dowladda looga door biday! Lama yaqaan sababaha lacagahaas murashaxiinta loogu xujeeyay ama shuruudda looga dhigay.

Lacagaha murashaxiinta laga qaaday lama qeexin waxa ay ku salaysan yihiin! 

Markii u horeysay oo lacago lagu  xiro dadka murashaxiinta ah waxay ahayd sanadkii 2004tii doorashadii ka dhacday dalka Kenya, waxaana qof kasta oo murashax madax-weyne ahaa lagu xiray inuu bixiyo lacag 2kun oo dollar ah ,laakiin waa la sheegay sababta lacagta  loogu daray shuruudaha qofka murashaxa ah laga rabo. In kasta oo markaas laf ahaanteeda aysan jirin wax qaynuun ahaa oo lagu saleeyay, hadana waxaa si cad loo sheegay sababta shurdaas loogu daray shuruudaha laga rabo murashaxiinta, taasoo lagu sheegay labo sababood; midda kowaad waxaa lagu sheegay in tirada murashaxiinta ay aad u badatay sidaa aawgeed la doonayo in lagu kala reebo!(laakiin taasi ma ahayn sabab macno xooggan samaynasa)….tan labaadna waxaa lagu sheegay in lacagtaas loo isticmaalayo adeegyada golaha shacabka, kaasoo aysan jirin meel ay wax ka soo galayaan isla markaasna aan joogin dalkii hooyo!…Iyadoo ay sidaas tahay hadana ma ahayn wax sharci ama dastuuri ah, hasa yeeshee waxaa golihii shacabka u xarootay lacag gaaraysa 56kun oo dollar!….

Marka laga hadlayo shuruudaha qofka murashaxa ah dunida waxay ka simantahay waxyaabaha aasaasiga ah ee la xiriira cadaynta muwaadhinmmada qofka murashaxa ah, waxaana xusid mudan in qofka murashaxa ah isaga loo sameeyo taageero dhaqaale (Fund Rising) si ay ugu suuro gasho inuu sameeyo olole uu ku soo ban-dhigayo siyaasaddiisa iyo fikradihiisa uu rabo inuu u sheego cod bixiyeyaasha (Voters)……lacagahaas lagu taageero wuxuu qofka murashaxa ah ku qabsadaa kulanno gaar ah oo ku marti qaado siyaasiyiinta uu ka rabo inay taageeraan oo siyaasaddiisa u ololeeyaan, ama xataa isu baxyo guud (Rallies) oo dad-weynaha uu kula kulamayo….lacagahaas la siinayo ee lagu taageerayo ma aha kuwo isaga gacanta loogu shubayo ama uu u adeegsan karo wax ka baxsan ololaha murashaxnimmadiisa ama doorashadiisa….. taasi macnaheeda waxaa weeye in qofka murashaxa uusan deyn gelin ama xoolihiisa uusan xafiiska uu u tartamayo ku imaan si uusan hadhow ugu malayn inuu lacagtiisa meesha ku yimid!…..Oo haddii lacag deyn ah ku ololeeyo oo xafiiska uu yimaado isagoo hal million oo deyn ah lagu leeyahay maxaa dhacaya?!… Malyan nin mudane ku noqday maxaa ka sugaysaa?!……

{Malyan dollar nin MUDANE ku noqday maxaa laga sugayaa?!……inuu dalka dhaco!… Inuu basaas noqdo! Inuu badda iibiyo!…wax kasta!…}

Annagu waan ka duwan nahay arrintaas oo xizbiyo iyo nidaam dowladeed, iyo dad-weyne codeynaya wali waan gaari la’nahay laakiin sida hadda wax u socdaan kama marna khayaano si ula kac ah ummadda nidaamkeedii dowladnimo iyo hannaankii ay horay ugu socon lahayd lagu burburiyay iyadoo waliba si dhib yar loo arki karayo inuu jiro qorshe ay dad yar doonayaan inay ku af-duubaan nidaamkii siyaasadeed ee dalka si ay ugu guuleystaan doorashada….Waxayse wali jawaab u baahan maxaa lacagahan murashaxiinta laga qaadayo lagu sababeeyay?! Maxaa lacagahaas Dahab-SHiil loogu shubay?! Waxaan iyadana muran uusan ku jirin in qofka nidaamkaas ku noqday Xil-DHibaan ama mudane golaha shacabka xubin ka ah ay yaratahay rajada laga qabi karo inuu si daacad iyo xil-kasnimo ku jirto ugu adeego ummadda!…..

Runtii nimankii arrintaan ka taliyay waxaa la oran karaa ujeedo aan fiicnayn bay lahaayeen, bal guddigii doorashada, iyo guddoomiyahoodii Qareen  Cumar Max’ed Cabdulle (Cumar-DHegeey) ujeeddada ay ka lahaayeen  in dadka xil-dhibaanimada u tartamaya ay bixiyaan 5-10kun oo dollar maxay ahayd?…..SHiikh SHariif Axmed markii la dooranayay xil-dhibaannadii 500 ahaa lacag laguma xujayn, Xasan SHiikh markii la dooranayay xil-dhibaannadii iyo murashaxiintii xilka madax-weynaha lacag laguma xujayn……dad badan waxay rumaysanyihiin in guddoomiyaha guddiga doorashada iyo madax-weyne Xasan SHiikh Max’ud ay arrintaan labadooda ka timid iyagoo ujeedo la wada garnayo ka lahaa, laakiin waxaa nasiib daro weyn noqotay in Xil-Dhibaannadii ay raaceen dhabbihii ay nimankaas jeexeen ee foosha xumaa!…..Waxaan iyadana meesha laga saari karayn in waxa Beesha Caalamka loogu yeero ay taladaan wax ka ogaayeen ujeedo kastaba ha ka lahaadaanee.

Waxa ugu wanaagsan ee looga dawoobi karayo musuqmaasuqa lagu sameeyay hannaankii doorashada dalka waa iyadoo lacagaha laga qaaday dadkii xil-dhibaananimada isu soo rashaxay iyo kuwa madax-weynaha isu rashaxaya loogu deeqo dadka Soomaaliyeed ee abaaraha ku tabaalaysan…run ahaantii waa arrinta keliya ee looga dawoobi karayo dhibaatada musuqmaasuqa dhacay iyo dhaawaca uu gaarsiiyay sharafta qofka mudanaha ah…..Waa tallaabo qayb ahaan noqon karaysaa hawl ay mudanayaasha baarlamanka u qabteen dadka iyo dalka, waana talaabo ay iyaga xil-dhibaannada ah kaga bagsoon karaan musuqmaasuqa ujeeddadiisu tahay in wax loogu dhimo sharaftii iyo haybaddii ay huwanaayeen iyo guud ahaan sharafta dadka iyo dalka…….Waana talaabo kor u soo qaadaysa himmadda dad-weynaha Soomaaliyeed isla markaasna mar labaad soo nooleyn karaysa inay ku kalsoonaadaan Xil-DHibaannada sidaasoo kalana dharbaaxo ku noqonaysa nin kasta oo ujeeddadiisu ahayd inuu ihaaneeyo Xil-DHibaannada!…..

Qore: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan
Faafinta: PUNTLAND POST