XARUMAHA GANACSIGA BOSASO OO GABI AHAANBA MAANTA XIRAN

Ganacsatada magaalada Boosaso ee xarunta gobalka Bari,ayaa maanta gabi ahaanba xiray Goobohoodii ganacsi ka dib markii ay cabasho ka muujiyeen lacago Canshuuro ah oo dawladu ay ku soo kordhisay.

Ganacasata ayaa wada mudaharaadyo Nabadeed oo ay kaga soo hor jeedan lacagtan lagu kor dhiyey .

Qaar kamid ah oo Ganacsatada Boosaaso oo Puntland Post uu la xiriiray ayaa u sheegay in  horay culays ugu ahayd lacatii lag qaadi jiray  tan lagu kor dhiyeyna aysan ahan mid caqli gal ah .

Waxa jira kulano ay qabsanayaan Ganacasata magaalada Boosaso ee xarunta gobalka Bari,kaas oo ay uga wada hadlayaan sidii xal waara looga gaari lahaa lacagahan ay dawaladu markasata kor dhinayso.

Arrinta Canshurta ayaa ah mid aan xal loo helin sanadihii ugu dambeeyay, waxaana markasta oo balan wada galaan dawlada iyo Ganacsatada uu noqdaa mid aan hirgalin.

LASOCO WIXII SOO KORDHA PUNTLAND POST

CABDIQANI BOOS 

PUNTLAND POST ,BOOSASO