FIFA oo Taageertay in Koobka Aduunka laga Dhigo 48 Dal

Madaxweynaha xiriirka kubada cagta aduunka Gianni Infantino ayaa sheegay in ay si wayn u taageersanyihiin qorshaha lagu kordhinayo tirada dalalka ka qaybgala Koobka Kubadda Cagta Aduunka oo la rabo in laga dhigo 48 dal.

FIFA ayaa bishan horraanteedii sheegtay in la sameyn doonaa 16 guruub oo ka kooban min sadex xul waxaana wareega xiga u soo bixi doono labada xul ee ugu sareeya guruub waliba, taasoo diidmo qayaxan kala kulantay xiriirka kooxaha kubada cagta yurub kuwaasoo aaminsan in ciyaartooyda la saarayo xamaali ka badan midka ay xamili karaan.

“Waxaan wali ku qanacsanahay in la balaarin doono wadamada ka qeyb galaya koobka aduunka, waxaan wali ka taxadareynaa inaan ka dhigno 40 ama 48,  laakin 48 ayaa heysata taageerayaal badan,  maadaama ay qaadaneysa waqti lamid ah kan uu haatan qaato” ayuu yiri Gianni Infantino oo ka hadlayey shirkii Sports-ka ee Dubai.

Arrintan waxaa go’aan laga gaari doonaa bisha Janaayo ee foodda inagu soo haysa, laakiin lama filayo in isbadal lagu sameeyo 32 kooxood inta ka horaysa sanadka 2026-da.

Markii u dambaysay ee tirada kooxaha isbadal lagu sameeyay waxay ahayd sandkii 1998 markaas oo laga dhigay 32 dal halkii ay ka ahaan jireen 24 dal.

PUNTLAND POST