Xeer ilaaliyihii maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland oo Bosaaso lagu dilay

Cabdikariin Xasan Firdhiye AUN
Cabdikariin Xasan Firdhiye AUN

Bosaaso(Puntland Post)-Waxaa goor dhawayd magaalada Bosaaso ee xarunta Gobalka Bari lagu dilay xeer ilaaliyihii maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland Cabdikariim Xassan Firdhiye waxayna wararku sheegayaan in ay toogteen rag bistoolad ku hubaysan, iyagoo markiiba goobtaas ka baxsaday, walow saraakiil Boolis ay Puntland Post u sheegeen inay raad kooda hayaan.

Xeer ilaaliyaha ayaa lagu hor dilay maxkamada ciidamada qalabka sida oo ku taal bartamaha Magaalada Bosaaso sidaasna uga fogayn Qaybta Booliska Gobalka Bari iyo Saldhiga Bartamaha Bosaaso.

Waa masuulkii sadexaad ee wax ka yar labba todobaad si bareera loogu dilo bartamaha Magaalada Bosaaso.

Dilkan ayaa kusoo aadaya xili ciidamadu ku daba jireen ragii diley taliye ku-xigeenkii sadexaad ee ciidamada Booliska iyo Maamulihii Madaxtooyada Bosaaso.

Wixii warkan kasoo kordha kala soco Puntland Post

PUNTLAND POST