Micheal Keating oo Walaac Kamuujiyey Xiisada ka soo Cusboonaatay Gaalkacyo

Wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha soomaaliya Micheal Keating ayaa walaac xoogan ka muujiyay, dagaalka ka soo cusboonaaday magaaladda Galkacayo ee xarunta gobalka mudug taas oo sababtay dhimashada iyo dhaawac.

War-saxafadeed lagu soo daabacay bogga internetka ee xafiiska Qarmada Midoobay ee soomaaliya ayaa lagu sheegay,in Puntland iyo Galmudug inay sameeyaan tallaabo aan gacan ku hadal ahayn loona baahanyahay in sida ugu dhakh sahah badan la xalliyo khilaafka dhexyaalla.

waxa uu dhanka kale wakiilku ka hadalay waddooyinka,asbuucyadii ugu danbeeyey xayiraad saarnaayeen waxan ugu baaqay in la furo wadooyinkaa .

Ergeyga Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay madaxda labada maamul  inay tixgeliyaan heshiiskii xabad joojinta iyo isfahamka laga gaaray dhawaan xiisadda Gaalkacayo ee xarunta gobalka mudug .

Waxa uu cod dheer ku sheegay in la tixgaliyo Gudiyadii loo xilsaaray Nabadeenta Gaalkacyo ,isagoona intaas kudaray cid kasta oo ku xadgudubta nabadda iyo xasiloonida  galkacayo in dabagal lagu samayn doono.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST