Madaxweynaha Puntland oo Qoondeeyey sadexda kursi madasha u kordhisay Aqalka Sare

Madaxweynaha Dawladda Puntand Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii uu hogaaminayey ee magaalada muqdisho uga qayb gelayey shirka  madasha wadatashiga qaran 24 -25 December 2016 ayaa waxa ay guul weyn ka gaareen xal u helidda Kuraastii muranku ku jirey ee gobolada woqooyi, kuwaas oo ay Puntland   qayb ku lahayd.

Madaxweynaha waxaa kala qayb galay shirarkii kala duwanaa ee ay madasha qaranku ku yeelatay Madaalada Mudisho Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey iyo masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa markasta ku hawlan sidii ay u ilaalin lahayeen xaqqa iyo xuquuda ay leeyihiin shacabka Puntland, isla markaana waxa ay markasta go’aan koodu ahaa sidii ay madasha wada tashiga qaran si hufan ugu qancin lahaayeen  in  maamulidda xubnahaasi ay xaq u leedahay Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markuu la tashaday masuuliyiinta Dawladda Puntland wax garadka iyo aqoonyahanka Puntland waxa uu saddexdaasi kursi ee loogu daray Puntland u qoondeeyey in labo ka mida lasiiyo beelaha harti gaar ahaan beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli, sidoo kalena kursiga sadexaad ayaa waxa uu madaxweynuhu u qoon deeyey beesha shanaad ee deggan  Puntland.

Afhayeenka dawladda Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac Quraanjecel ayaa maanta warbaahinta u aqriyey warmurtiyeedkaasi ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland isagoona intaasi raaciyey in sida ugu dhaqsiyaha badan loosoo magcaabi doono xubnahaasi.

–DHAMMAD—

XAFIISKA WARFAAFIN WACYIGELINTA HIDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

img_9773img_9769