Madaxweynaha Puntland oo ka Tacsi-yeeyay dilkii Xeer Ilaaliye Firdhiye

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay howlo shaqo u joogaan magaalada Muqdisho ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan shacabka Puntland iyo ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay xeer ilaaliyihii guud ee maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Dawladda Puntland Cabdikariim Xasan Firdhiye oo kooxda arga-gixisada ah ee Al-shabaab ay ku toogteen magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xeer ilaaliyuhu uu ahaa xubin muhiim ah oo ka baxday Dawladda iyo shacabka Puntland isla markaana u hayay shaqo adag oo muhiim u ah nidaamka Dawliga ah.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in dhamaan laamaha amniga ee Dawladda Puntland ay gacan bir ah kusoo qaban doonaan kooxihii fuliyay dilalkii loo gaystay alle ha u naxariistee xeer ilaaliyihii guud ee maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Dawladda Puntland Cabdikariim Xasan Firdhiye iyo agaasimihii madaxtooyada Boosaaso Aadan Gaas Huruuse, isla markaana dhagar qabayaasha Al-shabaab ee dilalkaasi fuliyay sharciga la hor keeni doono.

Ugu danbayn, Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay guud ahaan shacabka Puntland gaar ahaan bulshada gobolka Bari inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah meelna uga soo wada jeestaan cadowga Puntland oo arga-gixisada Al-shabaab ay ka mid yihiin. isla markaana ay la shaqeeyaan laamaha amniga sidoo kalena ay iska hubiyaan cid kasta oo kusoo dhex dhuumanaysa.

–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.