Shirkadda AMAL oo toban kun oo Doolar ugu deeqday gudiga gurmadka abaaraha Gobalka Mudug

Gaalkacayo(Puntland Post)-Bangiga AMAL ayaa $10,000(Toban kun oo Doolar) ugu deeqay gudiga gurmadka abaaraha ka jira Gobalka Mudug, waxaana lagu qabtay Magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobalkaas munaasabad  uu Bangigu ugu wareejinaayey gudiga gurmadka abaaraha lacagtaas.

Horey ayey intii ay abaarahan jireen ay bahda Amal group oo ay kamidyihiin amal bank iyo amal express ay bixiyeen deeq lacageed oo ay ugu gurmanayaan bulshada ay abaaruhu saameeyeen ee kunool meelo kala duwan oo Soomaaliya ah.

Waxaa aad loo amaanaa doorka muuqda ee amal bank uu ku leeyahay hormarinta bulshada iyo kaqayb qaadashada arrimaha bulshada.

Bahda amal group ayaa aad uga caawisa bulshada dhinacyada waxbarashada, caafimaadka iyo meelaha kale ee bulshadu markaas ka liidato.

Waxay sidoo kale Amal group iyadoo ka duulaysa abaaraha Dalka ka jira ayaa lacag la’aan ka  kadhigtay dhamaan lacagaha abaaraha loogu talo galay oo laga soo dirayo qaybaha kala duwan ee caalamka kuna socda accountska gurmadka abaaraha.

amal-oo-bixisay-iyo-gudiga-oo-gudoomay

b

g

gudomiyaha-g-abarha-abdalle-abdinasir

sh-mursal-shire

sh-adan-mohamed-ega

 

PUNTLAND POST